Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
hamuungorayo  ld hamuungorgor.
hamuungorgor  Sugid la'aanta la sugi waayo cunto dab saaran ama bisil hamuun awgeed. ld hamuungorayo.
hamuuntir1  Cunto yar oo hamuunta la isaga bi'iyo. hamuuntir2  Qof cunto yar oo hamuun lagu bi'iyo siin. hamuuntirad  ld hamuuntirasho.
hamuuntirasho  eeg hamuuntiro. ld hamuuntirad.
hamuuntirid  eeg hamuuntir².
hamuuntiro  Hamuun iska bi'in.
han  Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.
hanaayo  Cadaawad, nacayb.
hanacun  1. Cunidda boolida. 2. (-no, mdh.) Qof boolida cuna.
hanad  Nin karti iyo hufnaan dheeraad ah isku darsaday; diric.
hanano  Danaano; hiilo.
hanaq  Dhuunta meesheeda hoose oo godan; galaw; halaw.
hanaqaad1  1. H. ah: qof filka mas'uu-liyad lagu hanan karo gaaray; tabargal. 2. Diric, geesi. 3. ld hanaqaadid. hanaqaad2  Qof fil uu mas'uuliyad ku hana karo gaari; tabargalid. hanaqaadid  eeg hanaqaad². ld hanaqaad¹ (2).
hanasho  eeg hano.
handaawad  Ubbo tolay ah oo weesada lagu qaato.
handabo  Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tus. “Cali naaguhuu handabo ku qabaa”.
handad1  . 1. ld hanfad ¹, hanfaf. (-dyo, m.dh) Hinqasho, boodid. 2. ld haddidid. 3. ld handadid. handad2  1. (f.g) Qof u cagajuglayn. 2. (f.mg) Bootin fudud nafley dagaal maagani boodid. 3. (f.mg) Qof hurda nixid. handadaad  Cabsi gelin cid loo gaysto. ld haddidid.
handadi  Cid sasin. ld hanfadi.
handadid  1. ld handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. ld haddidid.
handadin  eeg handadi. ld hanfadin.
handaraab1  Bir albaabada lagu qataaro qufulkana lagu xiro. handaraab2  Albaab handaraab gelin. handaraaban  Albab wax la handaraabay ahaansho.
handaraabasho  eeg handaraabo.
page : 28 of 93
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>

 

Exit mobile version