faalle ld faallo.
faallee Faallo wax ka bixin.
faallo Faahfaahin lagaga hadlayo dhacdo, meel, wax iwm. ld faalle.
faalloo Ka f.: wax faallo ka bixin.
faallood eeg faalloo.
faalmid ld falmid.
faalshow ld faalallow.
faaltow 1. Markab aan waqti u go'an lahayn oo kolkuu imaanayo iyo mar kale la kala aqoon. 2. Qof dawdar ah oo hadba meel aan laga filayn taga. 3. Dibi banjoog ah.
faalug ld faalig.
faalugid ld faaligid.
faambi1 1. Si aan habboonayn oo wax loo cuno. 2. Qasidda wax nidaamsan la isku qaso. ld faambiyid. faambi2 1. Si aan habboonayn wax u cunid. 2. Wax nidaamsan isku qasid. faambin ld faambiyid.
faambiyid eeg faambi². ld faambi¹, faambin.
faan1 Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano. faan2 1. Ilig dheer. 2. Foolasha maroodiga ee dhaadheer midkood. faan3 Hadal aan dhab ahayn isku ammaanid. faanfaan1 1. Fal kibir ku jiro oo cid muujiso si loogu ammaano. 2. ld faan- faanid. faanfaan2 Fal kibir ku jiro muujin si loogu ammaano. faanfaanid eeg faanfaan². ld faanfaan¹ (2).
faani Faan ka sheegid.
faanid eeg faan³.
faanin eeg faani. ld faanis.
faanis ld faanin.
faansan La ammaanay ahaansho (qof).
faansanaan eeg faansanaan. ld faan- sanaansho.
faansanaansho ld faansanaan.
faantax ld fantax.
faanto Xaar lo'aad oo qoyan.
faanuus ld feynuus.
page : 4 of 73
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>