cambuul2 Qodaxda sarmaanta marka ay curdanka tahay; dhambacaluul. cambuulee Badar cambuulo ka dhigid.
cambuuleyn eeg cambuulee.
cambuulo Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin.
cambuur1 1. Gashi haweenku qaato oo ilaa lugaha ku eg. 2. ld camambuurid. cambuur2 ld camambuur². cambuurid ld camambuurid.
camcami Nafley dhulka ku rafin.
camcamin eeg camcami. ld camcamis, camcamo (3).
camcamis ld camcamin.
camcamo 1. Dhul ku rafin aan waxyeello weyn lahayn ee nafley lagu sameeyo. 2. Waqti in door ah; cabbaar. 3. ld camcamin.
cammaar C. ah: xarig ama jawaan dun adag ka samaysan.
cammayn eeg cammee.
cammee 1. Cid khayaamayn. 2. Cid indhatirid.
cammir 1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iwm isu dheellitirid.
cammiraad 1. Wax aan dhab ahayn oo meel maran lagu buuxiyo. 2. ld cammirid.
cammiran Wax la cammiray ahaansho (dukaan).
cammirid eeg cammir. ld cammiraad.
cammirnaan eeg cammiran. ld cammirnaansho.
cammirnaansho ld cammirnaan.
cammo C. ah: qof aan indhaha wax ka arkayn. ld cammoole.
cammoobid eeg cammow.
cammoole ld cammo.
cammow Cammo noqosho.
cammuud Ciid jilicsan oo aan lahayn habaas, dhoobo iyo dhagax.
can (caman, m.l) Labada cad ee hilibka ah oo ku yaal wejiga labadiisa dhinac midkood, waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.
canaab 1. Culays. 2. Daal badan oo la dareemo marka socod dheer la galo.
canaad1 ld cinaad¹. canaad2 ld cinaad². canaadi ld cinaadi.
page : 33 of 95
<< < 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 > >>