c (ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
caa'ilo Qoys, qaraabo.
caabaq1 ld caabuq¹. caabaq2 ld caabuq³. caabaqid ld caabuqid.
caabbi1 ld caabbiyid. caabbi2 1. Adakayn, xajin. 2. Iska c.: iska celin. caabbin1 ld caabbiyid. caabbin2 Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega). caabbin3 (taar.) Iska caabbin cadow ama weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar. caabbiri Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.
caabbis ld caabbiyid.
caabbiye (fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
caabbiyid eeg caabbi(2). ld caabbi(1), caabbin, caabbis.
caabid1 Caabid ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. ld caabud(1). caabid2 Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. ld caabud(2). caabidid eeg caabid². ld caabudid.
caabidnimo Caabid ahaansho. ld caabudnimo.
caabud1 ld caabid¹. caabud2 ld caabid². caabudid ld caabidid.
caabudnimo ld caabidnimo.
caabuq1 1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabuq2 (daaw.) Halaamacoodka caloosha iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban. caabuq3 1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed. caabuqid eeg caabuq³. ld caabaqid.
caabuqtire (baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.
caac Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.
caaci Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
caacid eeg caac.
page : 1 of 95
1 2 3 4 5 6 > >>