Ereyga Maanta: xaydaan
dhaafdhaafin eeg dhaafdhaafi.
dhaafdhaafsan Is dh.: wax la dhaafdhaafiyay ahaansho.
dhaafdhaafsanaan eeg dhaafdhaafsan. ld dhaafdhaafsanaansho.
dhaafdhaafsanaansho ld dhaaf- dhaafsanaan.
dhaafi 1. (f.g) Wax meel ka gudbin. 2. (f.g) Wax, wax kale oo taagan ama ay isku dhinac u socdaan ka hormarin. 3. (f.g) Iyadoo sixir la adeegsanayo cid jirradeeda cid kale ku wareejin. 4. (f.g) Cid maaweelo waqti kaga lumin. 5. (f.mg) U dh.: cid wax, wax kale ugu beddelid.
dhaafid eeg dhaaf.
dhaafin eeg dhaafi. ld dhaafis.
dhaafis ld dhaafin.
dhaafiye Warqad sharciyaysan oo hal dal mar lagu geli karo lagagana soo noqon karo.
dhaafsad ld dhaafsasho.
dhaafsan 1. Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho. 2. Is dh.: qof dhuglaawe ah ama maahsan ahaansho.
dhaafsanaan eeg dhaafsan. ld dhaafsaanaansho.
dhaafsanaansho ld dhaafsanaan.
dhaafsasho eeg dhaafo. ld dhaafsad, dhaafsi.
dhaafsi ld dhaafsasho.
dhaafsii Wax meel ka gudbin.
dhaafsiin eeg dhaafsii. ld dhaafsiis.
dhaafsiis ld dhaafsiin.
dhaafsiisan Meel, wax meel kale ka shisheeya ahaansho.
dhaafsiisnaan eeg dhaafsiisan. ld dhaafsiisnaansho.
dhaafsiisnaansho ld dhaafsiisnaan.
dhaafso Wax, wax kale ku beddelasho.
dhaag ld dhaad².
dhaagid ld dhaadid.
dhaagid (1) Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld dhaadid.
dhaaji Iyadoo lagu xumaynayo qof wuxuu yiri ama sameeyay ka daba sameyn.
dhaajin eeg dhaaji.
dhaal 1. Dheri yar oo dhoobo ah. 2. Dhuun buuriga lagu nuugo. 3. Dhul bannaan oo biyo fariisin ah.
dhaalali 1. Wax dhalaalaya ka dhigid. 2. Adke ka dhigid.
dhaalcayn ld dhaaclayn.
<< < 349 350 351 352 353 354 355 356 357 358 359 > >>