Ereyga Maanta: gomosh
sas (1) Naxdin kedis ah oo lala argagaxo.
sas (2) Naxdin kedis ah la argagaxid.
sasi Si kedis ah cid uga nixin.
sasid eeg sas².
sasin eeg sasi.
sataar 1. Mid ka mid ah magacyada Eebbe. 2. Daah.
sati Weel laba qalbac isugu aabburan oo la dhexgeliyo quliyaasha laguna qaado.
satiyayn eeg satiyee.
satiyaysan Wax la satiyeeyey ahaansho.
satiyaysnaan eeg satiyaysan. ld satiyaysnaansho.
satiyaysnaansho ld satiyaysnaan.
satiyee Baaquli sati u samayn.
saw ld sow.
sawaab (1) Dhaandhaan; nacas.
sawaab (2) Abaalmarinta Ilaah qof wax fiican sameeyey abaalmariyo.
sawaab (3) Cid dhaan-dhaamid.
sawaaban Dhan-dhaan ahaansho.
sawaabi Ka s.: cid dhimatay sadaqo la bixiyay Ilaah in uu ajar ka siiyo u baryid.
sawaabid eeg sawaab³.
sawaabin eeg sawaabi.
sawaabnaan eeg sawaaban. ld sa-waabnaansho.
sawaabnaansho ld sawaabnaan.
sawaariikh eeg saryuukh.
sawaaxil Dhul xeebeed.
sawax (1) Qaylo dheer.
sawax (2) Cid aad u qaylin.
sawaxan Buuq badan ama qaylo dheer.
sawaxid eeg sawax².
sawayn ld saawayn.
sawd Cod; dhawaaq; luuq.
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>