dhukaan (2) Dhukaan qaadid (geel).
dhukan Wax dhego yaryar ahaansho (nafley).
dhukanaan eeg dhukan. ld dhukanaansho.
dhukanaansho ld dhukanaan.
dhukay Dhegdheg madow-xigeen ah oo dhegta gudaheeda sare qanjirradu ku dhaliyaan.
dhukayasho eeg dhukayo.
dhukayo Dhukay iska bixin.
dhukubo Qiimaha iyo anfaca.
dhul 1. Meeraha dadku dushiisa ku nool yahay. 2. Barri. 3. Dal.
dhul-aasid (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
dhul-abaahi Cudur awrta ku dhaca oo caarka ka soo rida.
dhul-duniyeed (c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
dhul-madaxeed yar (juqr.) Qar ka soo dul baxsan badda.
dhul-rif (jool.) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
dhulballaarsad ld dhulballaarsi.
dhulballaarsasho ld dhulballaarsi.
dhulballaarsi Qabsashada ay cidi qabsato dhul aanay lahayn. ld dalballaarsi, dhulballaarsad, dhulballaarsasho.
dhulbar Xarriiq dhulka u qeybisa laba qeybood oo isle'eg. ld dhulbare.
dhulbaraf Dhul baraf si joogto ah u fadhiyo.
dhulbare ld dhulbar.
dhulcawseed Dhul caws badani ka baxo, oo geed-gaab leh.
dhuldhac (1) 1. Kabbiska guriga. 2. Jirro culus oo qof la kici waayo. 3. ld dhuldhicid.
dhuldhac (2) Jirro culus awgeed la kici waayid (qof).
dhuldhicid eeg dhuldhac². ld dhuldhac¹ (3).
dhulfidsi Dhulballaarsi.
dhulfiiq Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.
dhulgariir (1) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir (2) (jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
dhulgoosad Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. ld dhulgoosi.
dhulgoosi ld dhulgoosad.
<< < 429 430 431 432 433 434 435 436 437 438 439 > >>