kaas2Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Dukaankaas Cali baa leh”. ld kaa4.
kaashadeeg kaasho. ld kaashi.
kaashild kaashasho.
kaashoHawl wax u adeegsasho.
kaatunld kaatuun.
kaatuunShay ka samaysan badanaa macdan qaali ah oo qurux darteed faraha gacmaha loo gashado; marwad, faraati, fargashi. ld kaatun.
kaawi11. ld kaawiyad. 2. Qoray lagu calaamadeeyo meelaha shabaagta la dhigo.
kaawi2Shay adag mid ka jilicsan ku garaacid.
kaawineeg kaawi².
kaawiyad1. Aalad dhuxul ama koronto kululeyso oo dharka la marmariyo, si jactadka looga bi'iyo. 2. ld kaawi¹.
kaawiyadayneeg kaawiyadee.
kaawiyadeeWax kaawiyad jactad kaga bi'in.
kaawiyadeysanWax la kaawiyadeeyay ahaansho.
kaawiyadeysnaaneeg kaawi-yadeysan. ld kaawiyadeysnaansho.
kaawiyadeysnaanshold kaawi-yadeysnaan.
kaawoMeesha laga qodo dhagaxa, guruuraxa, ciidda iwm oo wax lagu dhiso.
kaay1Meel wax lagu qariyo.
kaay2Wax qarin. ld kay³.
kaayaga1(kuwayaga, w) magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Baabuurkiinna, kaayaga ayaa ka weyn”. ld Kayaga¹.
kaayaga2Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Dalkaayaga ayaa ka ballaaran dalkiinna”. ld kayaga2, kaayo², kayo².
kaayeMeerto; kal; miile.
kaayeysashoeeg kaayeyso. ld kaayeysi.
kaayeysild kaayeysasho.
kaayeysoWax ku kaltamid.
kaayideeg kaay², kay³.
kaayo1Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tus. “Waa isku kaayo mid”. ld kayo¹. .
kaayo2ld kaayaga².
kaaysashoeeg kaayso.
kaaysoWax meel ku qarsasho.
kab11. Qoryaha laf jabtay lagu xiro si ay isu qabsato. 2. In yar oo maro, bir, qoray ah oo wax jabay ama duleeshamay lagu awdo. 3. ld kabid.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>