Ereyga Maanta: qooshid
cawl (2) 1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad; cawlo. 2. Cawl dhaddig ah.
cawlan Wax midab cawl ah leh ahaansho. ld cawllan.
cawlawareershe ld cawlwareershe.
cawlikudhal ld cawlikudhashay.
cawlikudhashay 1. Xilli bartamaha guga ah oo roob badan da'o. 2. Roob badan oo xilliga gu'ga bartamihiisa da'a. ld cawlikudhal.
cawllan ld cawlan.
cawllanaan ld cawlnaan.
cawllanaansho ld cawlnaan.
cawlnaan eeg cawlan. ld cawllanaan, cawllanaansho, cawlnaansho.
cawlnaansho ld cawlnaan.
cawlo ld cawl². (1)
cawlwareershe 1. Geednagaar leh miro kuuskuusan, caleemo yaryar iyo laamo jiljilicsan, oo nafleyda daaqda ay ku wareerto. 2. Miraha caduurka inta aanay bislaan. ld cawlawareershe.
cawo 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
cawralegdid eeg cawraleged².
cawraleged (1) Wax yar oo la siiyo ruux ishiisa laga baqayo.
cawraleged (2) Qof ishiisa laga baqayo wax yar siin.
cawratir (1) 1. ld cawritir¹. 2. Dhar yar oo cawrada deda.
cawratir (2) 1. ld cawritir². 2. Dhar cawrada lagu dedo cid siin.
cawratirid eeg cawratir². ld cawritirid.
cawratiryo ld cawritir¹.
cawrayn eeg cawree.
cawraysan 1. Wax masiibo ku dhacay ama la ileystay ahaansho. 2. Wax ceebaysan ahaansho.
cawraysnaan eeg cawraysan. ld cawraysnaansho.
cawraysnaansho ld cawraysnaan.
cawree 1. Cid ileyn. 2. Cid ceebeyn.
cawri (1) 1. Xin, kuuni. 2. Il, dhabato, illaaco, cawro.
cawri (2) Hanti cid leedahay kuunyid.
cawritir (1) 1. Wax la siiyo qof ishiisa laga baqaayo. 2. ld cawritirid. ld cawratir¹ (1), cawratiryo, cawritiryo.
cawritir (2) Wax in isha looga hortago u bixin. ld cawratir² (1).
cawritirid eeg cawritir². ld cawratirid, cawritir¹ (2).
<< < 52 53 54 55 56 57 58 59 60 61 62 > >>