Ereyga Maanta: raadgan
laaqis ld laaqin.
laarri Qof dhib badan.
laarrinnimo Laarri ahaansho.
laas (1) Ceel yar.
laas (2) (juqr.) Bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah.
laasad ld laysasho.
laasasho ld laysasho.
laashin (1) Qof maansada tiriya.
laashin (2) Laba laamood oo mataano ah middood.
laashinnimo Laashin ahaansho.
laasim (1) Wax joogto ah.
laasim (2) Lamahuraan ah. ld laasin².
laasimasho eeg laasimo.
laasimid eeg laasin³.
laasimo 1. Wax caadaysasho. 2. Meel ku raagid.
laasin (1) 1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa.
laasin (2) ld laasim².
laasin (3) 1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa.
laaso ld layso.
laastiko Wax ka samaysan maaddo marka la kala jiido aan go'in ee kala baxa.
laatiin Far ama af qaddiim ah oo Roomaaniyiintii hore ku dhaqmi jireen.
laaxig Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
laaxin Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.
laayaan L. ah: nafley, nafleyda kale si naxariisdarro ah u waxyeeleysa.
laayac (1) 1. Qof xoolaha lumiya oo aan si fiican u ilaalin. 2. Wax aan la ilaalin. ld layac¹.
laayac (2) Wax baylihid. ld layac².
laayacan (1) Wax aan la ilaalinayn noqosho. ld layacan¹.
laayacan (2) Wax la layacay ahaansho. ld layacan².
laayacmid eeg laayacan¹. ld layacmid.
laayacnaan eeg laayacan². ld laayacnaansho, layacnaan, layacnaansho.
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>