Ereyga Maanta: karkoor
huyucsi ld huyucsasho.
huyucso Si qaab xun tabar darri ku jirto u socosho.
huyun (huyun/-nno, m.dh) Geed dheer oo aan qodax lahayn, xabag la cunana leh, oo qoryihiisa weelasha siddo looga sameeyo.
huyuumas (baay.) Maatar kiimiko ahaan burburay ama qayb ka mid ah burburtay kana mid noqday carrada, kaasoo asal ahaan ka yimid dhir ama xayawaan. Dhulka aan beernayn huyumasku waxuu uga yimaadaa dhir hore oo si dabiici ah u quruntay; dhulka qodan ee la beeray huyumaska wuxuu ka helaa digada xoolaha lagu bacrimiyo.
huyuumiso ld hayaamiso (2).
i (1) (i') Xarafka sagaalaad ee alifka soomalida.
i (2) Magacuyaal layeele oo tilmaa- maya qofka koowaad ee kelida ah, oo laga hadlaayo.
ib 1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.
ibadaboole Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo.
ibadaboolo ld ibadaboole.
ibagorayee Hal irmaan si aan wanaagsanayn naasaha uga marid.
ibagorayeyn eeg ibagorayee.x
ibagorayeysan Wax la ibagorayeeyey ahaansho (hal irmaan).
ibagorayeysnaan eeg ibagorayeysan. ld ibagorayeysnaansho.
ibagorayeysnaansho ld ibagorayeys-naan.
ibagorayo Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
ibagujee Hal irmaan si ay u godlato naasaha si tartiib ah uga salaaxid.
ibagujeyn eeg ibagujee.
ibagujo Salaaxidda neef geel ah oo irmaan naasaha laga salaaxo si uu u godlado.
ibagurayo Bararka naasaha geela marka si xun loo maro ay bararaan.
ibaguryee Hal si xun loo maray nasaaha ka bararid.
ibaguryeyn eeg ibaguryee.
ibaguryeysan Wax la ibaguryeeyey ahaansho (hal).
ibaguryeysnaan eeg ibaguryeysan. ld ibaguryeysnaansho.
ibaguryeysnaansho ld ibaguryeysnaan.
ibajiiqo Yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska
ibajitaysan Wax ibajito hayso ahaansho (neef geel ah).
ibajitaysnaan eeg ibajitaysan. ld ibajitaysnaansho.
ibajitaysnaansho ld ibajitaysnaan.
ibajito Ibadaboole.
<< < 766 767 768 769 770 771 772 773 774 775 776 > >>