Ereyga Maanta: mudniin
ictiraaf (2) Cid wanaaggeeda aqoonsasho.
ictiraafid eeg ictiraaf².
ictiraafsan Wax, wax wanaaggiisa aqoonsaday ahaansho (qof).
ictiraafsanaan eeg ictiraafsan. ld ictiraafsanaansho.
ictiraafsanaansho ld ictiraafsanaan.
idaacad Warka raadiyaha ama TVga laga sii daayo. ld idaaco.
idaaco ld idaacad.
idaad (1) 1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo.
idaad (2) Laqanyo dareemid.
idaadid eeg idaad².
idan (1) 1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin.
idan (2) Wax samayntooda cid fasax u siin.
idanqaadasho eeg idanqaado.
idanqaado Wax sameyntoodu fasax u qaadasho.
idansan Qof wax samayntooda cid fasax lagu siiyay ahaansho.
idansanaan eeg idansan. ld idan-sanaansho.
idansanaansho ld idansanaan.
idif 1. Timaha wejiga ku soo dhawaada oo salxanyada korkooda ka baxa. 2. I. ah: qof bar yar oo dhuuban.
idifsan Wax dhuuban oo itaal yar leh ahaansho (nafley).
idifsanaan eeg idifsan. ld idifsanaansho.
idifsanaansho ld idifsanaan.
idiin Harag jilicsan oo si fiican loo megdiyay.
idil Wax aan wax ka maqneyn ahaansho.
idin (1) Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah, oo lala hadlayo. Tus.: “waan idin arkay”.
idin (2) ld idinka.
idin (3) ld idan¹ (2).
idinka Magacuyaal yeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus.: “waxaas idinka ayaa ku shaqa leh”. ld idin².
idinna Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah oo ka kooban idin 2 iyo na².
idiyaalismo Aragti ku dhisan falsafad leh in aqoontu ay tahay miro maskaxeed.
idlaad (1) Dhammaad.
<< < 769 770 771 772 773 774 775 776 777 778 779 > >>