labadderyaaleAqal soomaali weyn, qurux badan, oo qalabka uu ka samaysanyahay ay cusubyihiin. ld labadaryaale.
labaddiblayneeg labaddiblee.
labaddibleXiridda gacmaha qof gadaal loo xiro; garbadduub. ld labaddiblayn.
labaddibleeld labaddilee.
labaddibleysanWax labadible loo xiray ama loo qabtay ahaansho.
labaddibleysnaaneeg labaddibleysan. ld labaddibleysnaansho.
labaddibleysnaanshold labaddibleysnaan.
labaddileeQof gacmihiisa gadaal u xirid ama u qabasho.
labadduubMardimo geesaha xoolaha iyo ugaartu yeeshaan oo da'dooda lagu xisaabiyo. ld laba-duub.
labadhegood1. Geedka galleyda, meseggada marka uu yaryahay oo laba caleemood yahay. 2. Fallaar ama hooto laba ganood leh. 3. Weel dhinacyada laba siddo ku leh.
labadulleXabaal labo af oo hoos isaga duleela leh oo lagu aaso carruurta saqiirka ah.
labadulleeXabaal labadulle ah qodid.
labadulleyneeg labadullee. ld labadulleys.
labadulleysld labadulleyn.
labadulleysanXabaal hab labadulle ah u qodan ahaansho.
labadulleysnaaneeg labadulleysan. ld labadulleysnaansho.
labadulleysnaanshold labadulleysnaan.
labafarraarleUl gadaal laba ganood ku leh. ld labatarre.
labagXilliyada diraaceed mid ka mid ah oo leh dabeylo qabow iyo mararka qaarkood roob aan badnayn.
labaggalleLaba wejiile.
labaggalley1. Naag laba wejiile ah. 2. Beenta, runta u eg.
labaggeeriyooSilic u dhimasho.
labaggeeriyoodeeg labageeriyoo.
labajaraaleLaba jaro ay isugu xigsato laba qofood oo wada ciyaaraysa midkood.
labajibbaar11. Tiro, tiro la eg lagu dhuftay. 2. Isku laabidda xarig laba jeer laysku laabo.
labajibbaar21. Tiro, tiro la eg ku dhufasho. 2. Xarig laba jeer isku laabid.
labajibbaaran1. Tiro, wax tiro la eg lagu dhuftay ahaansho. 2. Xarig laba mar laysku laabay ahaansho.
labajibbaarideeg labajibbaar².
labajibbaarnaaneeg labajibbaaran. ld labajibbaarnaansho.
labajibbarnaanshold labajibbaarnaan.
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>