Ereyga Maanta: yuucan
miraaf (1) Warwareeg badan oo aan ujeeddo lahayn oo meelo badan lagu tago. ld miraafid.
miraaf (2) Miraf sameyn ama meelo warwareegid.
miraafid eeg miraaf². ld miraaf¹.
miraale Mahiigaan habeeneed.
miraayad ld muraayad.
miraayo ld meraayo.
miracas Murcanyo.
miran 1. Qof roob ama col miray ahaansho. 2. Qof ama wax la miray ahaansho.
mirasho eeg miro².
miratahan Noole miro ku nool.
miraxareedaad (c.nafl.) Ukunta kaneecada iyo xayawaanka kale ee biyo ku noolka ahi ka abuurmaan.
mirayn eeg miree.
miraysasho eeg mirayso.
mirayso Miro gurasho.
mircanyo ld murcanyo.
mirdareer Geel meeshii uu fadhiyey inuu mirto awgeed uga dareerid.
mirdareerid eeg mirdareer.
mirdhi Ilmo dhicin (ri'irmaan). ld mirdhee.
mirdhid ld miririd.
mirdhin eeg mirdhi. ld mirdheyn.
mirdhis (1) (mirdhis, m.dh) Geedgaab leh ubax cas oo dhaadheer, iyo sarab wanaagsan oo guryaha lagu dhisto.
mirdhis (2) Carjaw xalleefsan oo sanka labadeeda dul kala qoqobta.
miree 1. (f.g) Xabbad lafo burburin. 2. (f.mg) Geed miro yeelasho. 3. (f.g) Hees iwm mireheeda tirin.
mirgi ld merji.
mirgin ld merjin.
mirgis ld merjin.
mirid eeg mir³.
miridhee ld miridhi.
miridheyn ld mirdhin.
miridho Dhicinta ay neef rimani ilmo dhiciso.
<< < 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 > >>