Ereyga Maanta: kulxidhan
jaahilbixiKa j.: cid arrin ka dahsooneed u iftiimin.
jaahilbixineeg jaahilbixi.
jaahiliyad1. Ku dhaqmid la'aanta diinta islaamka. 2. Xilliga Islaamka ka hore ee taariikhda carabta.
jaahilnimoJaahil ahaansho.
jaahwareer11. Qas iyo shaki maskaxda galay wax lala garan waayo. 2. ld jaahwareerid.
jaahwareer2Qas iyo shaki maskaxda galay wax la garan waayid. ld jahawareer².
jaahwareeriCid qas iyo shaki gelin. ld jahawareeri.
jaahwareerideeg jaahwareer². ld jaahwareer¹ (2), jahawareer¹, jahawareerid.
jaahwareerineeg jaahwareeri. ld jahawareerin.
jaahwareersanWax jaahwareeray ahaansho. ld jahawareersan.
jaahwareersanaaneeg jaahwareersan. ld jaahwareersanaansho jaha-wareersanaan.
jaahwareersanaanshold jaahwareersanaan.
jaajaaleQof maadlow ah oo dadka ka qosliya; maadeeye.
jaajaaleeMaad iyo wax lagu qoslo samayn.
jaajaaleyneeg jaajaaleyn.
jaajuurShay afar gees leh oo ka samaysan shamiito iyo ciid laysku qasay oo guryaha lagu dhiso; bulukeeti.
jaajuus1ld jaasuus¹.
jaajuus2ld jaasuus².
jaajuusidld jaasuusid.
jaajuusnimold jaasuusnimo.
jaakadDhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.
jaal1. Saaxiib dhab ah; rafiiq; waday. 2. Koox tartan ciyaareed ku wada jira qof ka mid ah.
jaalabbuudJaadadka doonyaha jaad ka mid ah.
jaalabuteeJaalabuto samayn.
jaalabuteyneeg jaalabutee.
jaalabuto1. Cayaar ay cayaaraan goroyada, shimbiraha iwm oo ay cagaha dhulka la dhacaan. 2. Socod nafley badani ay koox-koox ugu socoto. 3. Feer, haraati iwm oo cid lala dhaco
jaalle1. Wadey; saaxib; jaal. 2. Qof shaqo, farxad, murugo iwm la qaybsada cid kale.
jaallenimoJaalle ahaansho.
jaalnimoJaal ahaansho.
jaamac1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 > >>