Ereyga Maanta: celcelis-joometeri
miyaaso Libaax-badeedka jaad ka mid ah.
miyelooma (daaw.) Cudur daran (kansar) oo ku dhaca dhuuxa lafta. Astaamo: a) unugyada balasma oo aad ugu bata dhuuxa lafta; b) kansarka oo lafaha gala oo raajada lagu kashifo godad lafta ku yaal; c) gaamma Golobulin aan caadi ahayn oo dhiigga laga helo; sida badan IgG (Immunoglobulin).
miyi Dhul magaalooyinka ka fog oo xoolo dhaqatadu ku noolyihiin; baadiyo.
miyid eeg mi'i.
miyir 1. Kartida wax lagu kale sooco ama lagu garto, caqli; maan. 2. Digtoonaan iyo isjirid wax lagu qabto si aan wax dhibaato keena u dhicin, degganaan, xasilloonaan. 3. ld miir 1 (2).
miyir beel gaaban (daaw.) Qallal.
miyirbeel (1) 1. Lumidda garashadu ka lunto qof. 2. ld miyirbeelid.
miyirbeel (2) (daaw.) Xaalad miyir la'aaneed.
miyirbeel (3) Suuxid dhaawac, cudur iwm oo qof ku dhacay wax lakala garan waayid.
miyirbeelid eeg miyirbeel³. ld miyirbeel¹ (2).
miyiri 1. U m. qof si tartiib ah wax ugu sheegid. 2. U m.: si deggan wax u qabasho.
miyirin eeg miyiri. ld miirin.
miyirsad ld miyirsasho.
miyirsasho eeg miyirso. ld miirsad, miirsasho, miirsi (2), miyirsad, miyirsi.
miyirsi ld miyirsasho.
miyirso 1. Suuxdin ama wax kale oo caqliga dooriya kaddib miyir yeelasho. 2. Qof dhallinyaro ah oo fudud xasilid. 3. Qof sarkhaanay saaxi naqosho. ld miirso.
miyirtir 1. Qof, wax maanka dooriya siin. 2. Qof jug dhaawac iwm oo miyirkiisa dooriya gaarsiin.
miyirtirid eeg miyirtir.
miyobi Arag dhowaad.
mocooyo ld macooyo.
mohaar Qiyaas nus jawaan dhan oo lagu cabbiro dalagga beerta. ld mohoor.
mohasho ld muhasho.
mohi ld mihi.
mohin ld mihin.
mohis ld mihin.
moho ld muho.
mohoor ld mohorad.
mohorad Kiintaal la kala baray barkii. ld mohaar, mohoor.
mohosho ld muhasho.
mokhoddan (muus.) Durbaan laga yaqaan gobollada koonfureed. ld mokhoddon.
<< < 98 99 100 101 102 103 104 105 106 107 108 > >>