Ereyga Maanta: seemid
mukhuursanaan ld maquursanaan.
mukhuursanaansho ld maquursanaan.
mukul Daruur madow oo meel fog ka da'aysa.
mukulaal basho; bisad; dinnad; dummad; yaanyuur;
mukulaalduureed (mukulaalduureed, m.l) Mukulaal duur ku nool ah.
mukulaalsabaad (mukulaalsabaad, m.l) Mukulaalduureed laf weyn oo giirgiir leh.
mukur Isyeelyeel qabweyni ku jirto.
mulac Xammaarato yar oo afar addin iyo dabo dhuuban oo dheer leh oo ay malowga isku bah yihiin laakiin ka jirmi yar. ld bulac.
mulacyayn eeg mulacyee. ld mulacyays.
mulacyays ld mulacyayn.
mulacyee Socod laalaabasho ah samayn.
mulbi Wax tuugo ku dhammayn.
mulbin eeg mulbi. ld mulbis.
mulbis ld mulbin.
mulbisasho eeg mulbiso.
mulbiso 1. Wax dhammaysasho. 2. Wax tuugo ku dhammaysasho.
muldhi 1. Wax diirka sare ka fujin. 2. Cid huga ka wada qaadid. 3. Timo madax ka wada xiirid.
muldhin eeg muldhi.
muldhisan Wax la muldhiyey ahaansho.
muldhisasho eeg muldhiso.
muldhisnaan eeg muldhisan. ld muldhisnaansho.
muldhisnaansho ld muldhisnaan.
muldhiso 1. Laan, jir iwm dubka ka diirasho. 2. Qof hu'uu gashanaan ka wada furasho. 3. Madax qurdasho.
muleemi Wax wada qaadasho, iyada oo aan in yarna laga reebin.
muleemin eeg muleemi. ld muleemis.
muleemis ld muleemin.
mulki (1) 1. Maal aad u badan. 2. Hantida qof leeyahay. ld milki¹.
mulki (2) Hanti la wareegid. ld milki².
mulkiyid eeg mulki². ld milkiyid.
mullaax 1. Xuubabka mayraxda kaa ugu jilicsan oo geedka laftiisa adag xiga. 2. Dhuub kasta oo sida mullaaxda u jilicsan.
<< < 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 119 > >>