Ereyga Maanta: celcelis-joometeri
rifrifid eeg rifrif².
rifrifmid eeg rifrifan¹.
rifrifnaan eeg rifrifan². ld rifrifnaansho.
rifrifnaansho ld rifrifnaan.
rifrifo Laf hilib ka feenasho.
rigaax (1) Daal iyo jiiro go'.
rigaax (2) 1. (f.g) Wax si aad ah u burburin. 2. (f.mg) Daal iyo jiiro go'dareemid.
rigaax (3) ld riyaax¹.
rigaaxid eeg rigaax².
rigayn eeg rigee.
rigaysad ld rigaysasho.
rigaysan Ciidan wax meel ku safan ahaansho.
rigaysasho eeg rigayso. ld rigaysad, rigaysi.
rigaysi ld rigaysasho.
rigayso 1. Cid, koox maskaxdeeda soo jiidasho. 2. Ciidan si habaysan meel ugu safasho.
rigee Ciidan si habaysan meel ugu safid.
rigli R. ah: wax joogto ah.
rigo Isu imaanshaha ciidan ay si nidaam ah meel isugu imaadaan.
rigoo Ciidan rigo u istaagid.
rigoore Laad xor ah oo laga gano meel 11 (kow iyo toban) tallaabo u jirta goolka afkiisa (kubbadda cagta).
rigrig (1) Tolmo lagu celceliyo, la adkeeyo. ld rigrigo.
rigrig (2) Weel rigrigo afka kaga tolid.
rigrigan Wax rigrig lagu tolay ahaansho (weel).
rigrigasho eeg rigrigo².
rigrigee Weel rigrigo u yeelid.
rigrigeyn eeg rigrigee.
rigrigid eeg rigrig².
rigrignaan eeg rigrigan. ld rigrig-naansho.
rigrignaansho ld rigrignaan.
rigrigo (1) 1. ld rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay.
<< < 1263 1264 1265 1266 1267 1268 1269 1270 1271 1272 1273 > >>