Ereyga Maanta: geedeysnaansho
beelow 1. Cid beel noqosho. 2. Ku b.: cid, cid kale oo ka dhaqan duwan ku darmid.
beelyo Haadda waaweyn nooc ka mid ah, dafadana la bah ah, midab madaw leh oo buuraleyda ku nool.
beembeen Been waaweyn.
beembeeni 1. Qof been ku maaweelin. 2. Is b.: sirmid.
beembeenin eeg beembeeni.
been War aan run ahayn.
beenaale Nin been badan, beenlow.
beenaaley Dheddig been badan (qof); beenley.
beenawaas ld beenhawaas.
beenayn eeg beenee. ld beenin.
beendabaad Beenlow; beenley. ld beendadaab.
beendadaab ld beendabaad.
beendhure Qof been badan fidiya.
beenee Hadal la sheegay, inuu beenyahay caddayn. ld beeni.
beenguur (1) Guuridda loo guuro god aan kii tooska ahaa ahayn si qofka kale loo khiyaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iwm).
beenguur (2) God aan kii tooska ahaa ahayn u guurid si qofka kale loo khayaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iwm).
beenguurid eeg beenguur². ld beenguuris.
beenguuris ld beenguurid.
beenhawaas (beenhawaas/-yo, m.dh) Nin beenlow ah oo aad u sheeko macaan. ld beenawaas.
beenhawaasad Haweeney beenley ah oo aad u sheeko macaan.
beeni ld beenee.
beenii-aadmi ld baanii-aadan.
beenin eeg beeni. ld beenayn.
beenley Haweeney been badan.
beenlow Nin been badan.
beenoobid eeg beenow.
beenow Been noqosho (war).
beensheeg 1. B. ah: beenlow. 2. ld beenshegid.
beensheegid Ku hadlidda qof hadal been ah ku hadlo. ld beensheeg (2).
beeqbaaq (1) Hanka qof qabo marka uu cid hanti ka sugayo.
<< < 127 128 129 130 131 132 133 134 135 136 137 > >>