Ereyga Maanta: kulxidhan
sano ld sannad.
sanoobir Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.
sanqar (1) Jabaqda ka dhalata laba shay oo isku dhacday. ld shanqar¹, sharqan¹, sharqar¹.
sanqar (2) Sanqar samayn. ld shanqar², sharqan².
sanqari Ka s.: wax sanqar ka yeersiin. ld shanqari, sharqami.
sanqarid eeg sanqar². ld shanqarid, sharqamid.
sanqarin eeg sanqari. ld shanqarin, sharqamin.
sanqaroor Sanka ushiisa kore.
sanqaroormadow S. ah: miro yicibeed oo gahayr ah oo aan weli qallalin.
sanqartirad ld shanqartirasho.
sanqartirasho ld shanqartirasho.
sanqartiro ld shanqartiro.
sanqasho eeg sanqo².
sanqatab Goodir lab.
sanqo (1) Daloolka ay isaga furanyihiin sanka iyo afka oo codku ka soo baxo.
sanqo (2) U s.: iyadoo la dhaqaajinayo muruqyada wejiga iyo sanka cid u baaqid.
sanqoole Qof daloolada sanqada iin ku leh oo aan coodkiisu bayaan ahayn.
sansaan Baxaalli.
sanso Gufar ku dhega weel burcad laga shiilay salkiis.
santaag (1) Kibir iyo isla weyn.
santaag (2) 1. Kibir iyo islaweyni muujin. 2. Ka s.: wax nicid.
santaagid eeg santaag².
santariyool (baay.) Dhisme dhululubaysan oo ku dhex yaallla unugga kana qayb qaata qaybsanka unugga.
santaroomeer (baay.) Qayb-ta ka midka ah koromosoomyada ee aan lahayn hiddo-side.
santeec (1) Ku tiirsanaanta lagu tiirsanaado derbi, kursi iwm.
santeec (2) Kursi, derbi iwm ku tiirsasho.
santeeci Ku s.: wax derbi iwm ku tiirin.
santeecid eegh santeec².
santeecin eeg santeeci. ld santeecis.
santeecis ld santeecin.
<< < 1309 1310 1311 1312 1313 1314 1315 1316 1317 1318 1319 > >>