saqafayn eeg saqafee.
saqafaysad ld saqafaysasho.
saqafaysasho eeg saqafeyso. ld saqafaysad, saqafaysi.
saqafaysi ld saqafaysasho.
saqafayso Timo saqaf ku firasho.
saqafee Timo saqaf ku firid.
saqajaan 1. S. ah: qof dhaqan xun oo aan xishoon. 2. Xishoon la'ahaanshada.
saqdambeed Gelindambeed.
saqdhexaad Gelindhexaad.
saqiir (1) Ilmo yar. ld siqiir¹.
saqiir (2) Ilmo yaraan ku dhimasho. ld siqiir².
saqiirid eeg saqiir². ld siqiirid.
saqiirnimo Saqiir ahaansho. ld siqiir-nimo.
saqiirragawrac Colaad xun oo labo qolo dhax marta.
saqiirsuuji Ilmo yar nafaqadii iyo xannaanadii uu ku kori lahaa seejin.
saqiirsuujin eeg saqiirsuuji. ld saqiirsuujis (2).
saqiirsuujis 1. S. ah: Qof dumar ah oo ilmo yar si xun u xannaanaysa. 2. ld siqiirsuujin.
saqlays ld saqlayn.
saqle Nooc ka mid ah orodka geela.
saqlee Saqle ku ordid.
saqleyn eeg saqlee.
sar (1) 1. Aqal weyn oo dhagax iwm laga dhisay; daar. 2. Harag neef weyn oo geel ama lo'ah.
sar (2) Wax jeexdin yar u yeelid.
saraacimo Libaaxbadeed aad u weyn oo gafuur dheer iyo ilko kuwa miinshaarta u eg leh.
saraad (1) 1. Wax dhici doona oo la sii sheego. 2. Calaamado iyo dhacdooyin tus-meeya wax dhici doona.
saraad (2) 1. Wax dhici doona mala-awaalid. 2. Dhacdooyin tilmaamid.
saraadi Wax dhici doona mala-awaalid.
saraadid eeg saraad².
saraadin eeg saraadi. ld saraadis.
saraadis ld saraadin.
<< < 1311 1312 1313 1314 1315 1316 1317 1318 1319 1320 1321 > >>