Ereyga Maanta: muddici
sheen (1) Ka ilaalinta awr qooqan uu ka ilaaliyo geela uu la jiro rati kale.
sheen (2) Awr qooqan geela uu la jiro in uu rati kale soo galo ka ilaalin.
sheex (1) Xishood.
sheex (2) 1. (f.g) Wax dhex taraarid. 2. (f.mg) Xishood dareemid.
sheexid eeg sheex².
sheexo 1. Wax is haysta meel dhexe oo bannaan. 2. Jid yar oo laga samaysto madaxa bidix ama midig iyadoo timaha laba dhinac loo kala seexinayo. 3. Geeso xoolaad oo bidix iyo midig u kala jiifa.
shentiimitir ld sentiimitir.
shey 1. Geed weyn oo weligii cagaaran, dhala miro la cuno oo buuralayda ka baxa. 2. Wax; shay.
shib 1. Hadal la'aan. 2. Sh. ah: degganaan aan hadal iyo shanqar midna jirin.
shibban Wax aan hadlayn ahaansho.
shibbanaan eeg shibban. ld shibba-naansho.
shibbanaansho ld shibbanaan.
shibbane (nax.) Xaraf aan kaligii lagu dhawaaqi karin in shaqal lagu daro ma ahee; waxaa la maqli karaa kolka uu shaqal weheliyo. Tus. “b(a), t(a), j(a) iwm”.
shibbi Cid aamusin.
shibbin eeg shibbi.
shibir Taako.
shibqi Neef irmaan oo ido ah lisid.
shibqin eeg shibqi.
shicib ld shacab.
shicir Gabay.
shid 1. Dab iwm hurin. 2. Nal, raadiye iwm daarid.
shidaal (kiim.) Walax la ogsidheeyo ama haddii kale lagu beddelo marraaq ama injiinka kulka si ay u sii dayso kulama tamar waxtar leh.
shidan (1) Dab, nal, raadiye iwm wax daarmay noqosho.
shidan (2) Nal, dab, raadiye iwm wax la shiday ahaansho.
shidasho eeg shido.
shiddee Cid shiddo ku abuurid.
shiddeyn eeg shiddee.
shiddo Dhibaato; rafaad. ld shiidaad.
shidid eeg shid.
shidmid eeg shidan¹.
<< < 1345 1346 1347 1348 1349 1350 1351 1352 1353 1354 1355 > >>