subagmadoobe 1. Wan weyn oo shan sano iyo ka badan gaaray. 2. Subagga laga shiilo wan weyn oo aan fariisan.
subax Qaybta ugu horreysa maalinta gelinkeeda hore.
subbeehi Askari aan derejo lahayn; dable.
subboosto Dawo saxar-mareenka laga qaato.
subci Subac akhrin.
subcin eeg subci. ld subcis.
subcis ld subcin.
subeeci ld subeeciyad.
subeeciyad Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. ld subeeci.
subeen ld sabeen.
subeenxir (1) ld sabeenxir¹.
subeenxir (2) ld sabeenxir².
subeenxirid ld sabeenxirid.
subkad ld subkasho.
subkan Wax subag marsan yahay ahaansho.
subkanaan eeg subkan. ld subkanaansho.
subkanaansho ld subkanaan.
subkasho eeg subko. ld subkad.
subkid eeg subag².
subko Subag mar-sasho.
subuqsubuq Socsocod badan oo aan ujeeddo lahayn.
subxaan Magacyada Alle mid ka mid ah.
subxaayo Nooc halaqa ka mid ah oo maska ka yar barabarana leh oo aan waabaayo lahayn.
sucdi Nasiib wanaagsan.
sud 1. Waddo yar oo dhex marta geedo bahalla galeen ah. 2. Dhul dhir dhaadheer oo ciriiri ah leh oo aan la geli karin.
sudeef Sabool.
sudeex (1) Laqanyo.
sudeex (2) Laqanyo da-reemid.
sudeexid eeg sudeex².
sufeehi ld safiih.
<< < 1383 1384 1385 1386 1387 1388 1389 1390 1391 1392 1393 > >>