Ereyga Maanta: xiltirid
suxuurin eeg suxuuri.
suxuuro Suxuur cunid.
suyac ld suyuc¹.
suyuc (1) Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. ld suyac.
suyuc (2) Wax la huuriyey ur xun yeelasho.
suyucid eeg suyuc².
suyucsan Wax suyucay ahaansho.
suyucsanaan eeg suyucsan. ld suyuc-sanaansho.
suyucsanaansho ld suyucsanaan.
t (ta') Xarafka sagaal iyo tobnaad ee alifka soomaalida, waana shibbane.
ta (1) kuwa, w Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Ta timid waa Caasho”. ld tan (1)
ta (2) Qodob magaca dhaddig dib looga qodbo si looga dhigo wax cayiman. Xarafka “t” ee qodobkan wuxuu isu beddelaa “d” markuu raaco magacyada lab oo ku dhammaada d,c,x, h, y, iyo (') hamsa. Markii la raaciyana magac ku dhammaada xarafka “l” labadaa xaraf waxay isu beddelaan “sh”. Tus. “ul+ta-> usha,bad+ta> badda”.
ta'wiil (1) 1. Fasirashada uu qofi fasirta wax, isagoo ku saleynaya xaqiiq jirta. 2. ld ta'wiilid.
ta'wiil (2) Wax iyadoo xaqiiqooyin jira lagu saleynayo maskax ahaan u fasirasho.
ta'wiilasho eeg ta'wiilo.
ta'wiilid eeg ta'wiil². ld ta'wiil¹ (2).
ta'wiilo Wax fasirasho.
taa (1) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. ld taas (1)
taa (2) eeg taas².
taa (3) ld taada².
taa'ib (1) Qof toobad la yimid oo wixii hore ka soo noqday.
taa'ib (2) Cid towbakeenid.
taa'ibid eeg taa'ib.
taab (1) 1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid.
taab (2) 1. Wax xoog ku qabasho. 2. Wax fur ku adkayn.
taabac (1) ld taabicid.
taabac (2) 1. Cid raacid. 2. Socod dheereyn ku jirto socosho.
taabacsan Qof kale raacay ahaansho (qof, wax).
taabacsanaan eeg taabacsan. ld taabacsanaansho.
taabacsanaansho ld taabacsanaan.
<< < 1396 1397 1398 1399 1400 1401 1402 1403 1404 1405 1406 > >>