Ereyga Maanta: turaal
buri 1. (f.g) Nafley orodsiin si meel looga fogeeyo; eryid; cayrin. 2. (f.mg) Qof meel uu ku noolaa ama hawl ka hayey ka fogayn dhaliil awgeed. 3. (f.mg) U b.: cid sed dheeraad ah siin.
buri (1) 1. Cid weyso u dhawrnayd ka jebin. 2. Xeer jirey baabbi'in. 3. Xeer jirey ku xad gudibid. ld burri.
burid eeg bur². ld buris, buris².
burin eeg buri. ld buris, burrin, burris.
burin (1) 1. (fals.) Ficil ama fikrad ka soo horjedda jiritaan shay. 2. (fals.) Nooc ka mid af diidmada, ama afkaar dhamaanteed ka soo horjeedda, wixii jiray dhamaan.
buris (1) ld burin, burin¹.
buris (2) ld burid.
burjaan Buur xeebta ku taal oo biyaha baddu ku simaan, kana gaddoomaan.
burje ld burge.
burji Heybad cidi leedahay oo dadka qaarkiis kaga baqaan ama ku xurmeeyaan. ld buruud.
burjiko Qalab wax lagu karsado oo ka samaysan dhagax jilicsan ama bir leh, dhego la qabsado iyo meel kore oo dhuxusha lagu shubo. ld birjiko.
burjiwaasi Qof maalqabeen ah oo shaqaalaha u shaqeeya aan siin wax u dhigma waxsoosaarkooda.
burjuwaasiyad (siyaa.) Dabaqad ka mid ah bulshada, haystana dhaqaalaha ugu badan marka loo eego aragtida Maarkiska.
burkaanti ld burgaanti.
burladduul Nin caro dhaw, dagaal badan oo aan uurkuqaad lahayn.
burladduulnimo Burladduul ahaansho.
burlaqan Bur la qasaayo inta kuuskuusanta oo aan qasmin.
burloox Cad soor ah oo la mariyo looxa qur'aanka inta aan wax lagu qorin.
burmad Digsi yar oo hal qof wax loogu kariyo.
buro Haan yar; aagaan. ld buray².
buro (1) 1. Hilib aan caadi ahayn, kuusan oo jirka naflayda meel ka mid ah ka soo baxa. 2. Sed dheeraad ah oo cid la siiyo.
buro (2) (daaw.) Bararid: astaamaha caanka ah ee halaamacoodka midkood; saddexda kale waxa weeye: kul, casaan, iyo xanuun. Meesha halaamacoodsan waxa bararka u keena ayadoo xididdada yaryarka ah ee dhiigga ka yimaado dhacaan la socdaan boroteyin oo ku urura unugyada dhexdooda.
buro-qanjireed (daaw.) Buro ka dhalata sooh qanjireed ama cad isu muujisa qaabka qanjirka.
burobahalaad (daaw.) Buro dhex galeysa oo baabi'inaysa soohyada ama xubinta ay ka farcanto islamarkaasna ku faafi karta meelo kale oo jirka ka mid ah, ayadoo cadcad ka mid ah raacayaan dhiigga ama liinfada. Haddii aan la daweyn wakhti ku habboon waxay keentaa caafimaadka oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaada iyo dhimasho. ld burabbahalaad.
burocaanood (daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.
burqad ld burqasho.
burqasho eeg burqo. ld burqad.
burqo Biyo si xoog ah meel uga soo butaacid.
burri ld buri.
burrin ld burin.
<< < 170 171 172 173 174 175 176 177 178 179 180 > >>