ibtileysnaan eeg ibtileysan. ld ebteleysnaan, ebteleysnaansho, ibtileys-naansho.
ibtileysnaansho ld ibtileysnaan.
ibtilo Dhib weyn. ld ebtilo.
ibtiloobid eeg ibtilow.
ibtilow Ibtilo la kulmid.
iclaan War la sheego oo aad loo faafiyo oo dadka la wada garsiiyo; ogeysiis.
icraab (1) (nax.) Dhismaha qaybaha naxwe ee ay weeri ka koobantahay.
icraab (2) (nax.) Qaybaha naxwe ee ay weer ka koobantahay sheegid. ld icraabi.
icraabi ld icraab².
icraabid eeg icraab². ld icraabin, icraabis¹.
icraabin ld icraabid.
icraabis ld icraabid.
ictikaaf (1) Fadhi masaajidka gudahiisa muddo la fariisto oo cibaado loo niyoodo.
ictikaaf (2) Cibaado awgeed masaajid ku raagid
ictikaafid eeg ictikaaf².
ictikaafsan Wax ictikaaf ku jira ahaansho.
ictikaafsanaan egg ictikaafsan. ld ictikaafsanaansho.
ictikaafsanaansho ld ictikaafsanaan.
ictiqaad (1) Rumaysnaanta wax waxtarka uu leeyahay ama wax yeeladiisa.
ictiqaad (2) Diin, mabda' iwm aaminid.
ictiqaadid eeg ictiqaad².
ictiqaadsan ld citiqaadsan.
ictiqaadsanaan ld citiqaadsanaan.
ictiqaadsanaansho ld citiqaadsanaan.
ictiraaf (1) Aqoonsi, cid wanaaggeeda loo aqoonsado.
ictiraaf (2) Cid wanaaggeeda aqoonsasho.
ictiraafid eeg ictiraaf².
ictiraafsan Wax, wax wanaaggiisa aqoonsaday ahaansho (qof).
ictiraafsanaan eeg ictiraafsan. ld ictiraafsanaansho.
ictiraafsanaansho ld ictiraafsanaan.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>