niibaati Fuur ama guf meel daloosha lagu buuxiyo.
niiban 1. Meel dalooshay oo la buuxshay ahaansho. 2. Wax si adag meel ugu dheggan ahaansho.
niibasho eeg niibo.
niibee Badar iwm wax sibxanaya ka dhigid.
niibeyn eeg niibee.
niibid eeg niib².
niibkeen (1) ld nibkeenid.
niibkeen (2) Ka n.: arrin ka guul gaarid. ld libkeen².
niibkeenid eeg niibkeen². ld libkeen¹, libkeenid, niibkeen¹.
niibnaan eeg niiban. ld niibnaansho.
niibnaansho eeg niibnow. ld niibnaan.
niibo 1. Ku n.: wax meel daloosha ku buuxsasho. 2. Dhegaha n.: xayawaan aad u ordid. 3. Dhego furaysasho.
niiboobid eeg niibow². ld niibow¹.
niibow (1) Ka sibxashada ay wax sibxadaan laba gacmood dhexdood iwm. ld niiboobid.
niibow (2) Wax sibxanaya oo aan gacantu qabaneyn noqosho.
niiko Ciyaar meelo badan oo calamka ah laga dheelo taas oo uu qofka ciyaarayo dhexda luxo.
niil Feeraha geel saddexda ugu dambaysa oo xiga lugta dambe; mayraq.
niinf (c.nafl.) Heer ay maraan xasharaadka qaarkood intaayan weynaan sida: kaboyaaga marka ukunta ka soo baxaan niinfigu waxay u egyihiin kuwa waaweyn; waxay kaga duwan yihiin oo keliya: a) way ka yaryaryihiin; b) baalal uma soo wada bixin; c) mana baaluqin.
niis Ciid jilicsan oo aan boor lahayn oo togaggu keenaan.
niishaab (1) ld nishaab¹.
niishaab (2) ld nishaab².
niishaaban (1) ld nishaaban¹.
niishaaban (2) ld nishabaan².
niishaabid ld nishaabid.
niishaabmid ld nishaabmid.
niishaabnaan ld nishaabnaan.
niishaabnaansho ld nishaabnaan.
niishaabtamid ld nishaabtamid.
niishaabtan (1) ld nishaabtamid.
niishaabtan (2) ld nishaabtan².
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>