Ereyga Maanta: hirqad
xargaha codka (c.nafl.) Sooha labada isugu laaban oo ka soo kuusan labada dhinac booca oo ka sameeya jeexdin dhuuban hawomareenka dushiisa. Neef soo saaridda way ruxdaa cod la maqlana waa ka sameysa kaas oo ah hadal, hees iyo codad kale oo la naqlo. Isbeddelka ku dhaca xargaha codka iyo cudurrada ku dhaca dareemayaashooda waxay wax yeelleeyaan codka.
xarig 1. Daliigo xaskul ah ama mayrax ama caw ama xariir ama bir ama wax kale oo inta la isku jebsho tidco, wax lagu xiro ama lagu jiido. 2. Xabsi.
xariggoys Dowligoys; sirsir.
xarigxarig Nagaar dhaadheer oo dhulka ku faalala, oo geelu aad u jecel yahay.
xarigxoolaad Xarig harag xoolaad laga tidcay ama laga soohay.
xariif (xarfaan, m.dh) 1. Qof xeelad badan. 2. Qof caqli badan. Xarfaan; Laacib.
xariiftamid eeg xariiftan². ld xariiftan¹.
xariiftan (1) ld xariiftamid.
xariiftan (2) Si xarfadi ku jirto qof cayaar ula dheelid.
xariir Caano biyo badan lagu daray; candiid; cindiid.
xariir (1) Lafdhabar; arxan. ld xiriir².
xariir (2) 1. Dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. 2. (-ryo, m.dh) Summad idaha dhegaha looga dhigo oo labo alif ah.
xariir (3) ld xiriir³ (3).
xariir (4) Barxid (caano). ld xariiri.
xariirad ld xariirasho.
xariirasho eeg xariiro. ld xariirad.
xariiri ld xariir³.
xariirid (1) eeg xariir³. ld xariirin.
xariirid (2) eeg xariir². ld xiriirid.
xariirin ld xariirid.
xariiro Caano biyo badan ku darsasho.
xariq ku ligan sallax eeg ligane.
xarkag (1) ld xargag¹.
xarkag (2) ld xargag².
xarkagid ld xargagid¹.
xarkagsan ld xargagsan.
xarkagsanaan ld xargagsanaan.
xarkagsanaansho ld xargagsanaan.
xarmal Tiire.
xarmasho eeg xarmo.
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>