Ereyga Maanta: nacaal
daljecli Waddaninnimo.
daljir Qof ciidanka qalabka sida ka mid ah oo qaabilsan difaaca dalka.
dalkucelin Si khasab ah oo qof dal kale jooga dalkiisa lagu geeyo.
dalkuggal Ruqso qof hal mar ku geli karo dal shisheeya; fiiso.
dalkujoog Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.
dalkummar Baasaboor.
dallaal 1. D. ah: meel barwaaqo ama biyo leh oo aan lagu badnayn. 2. D. ah: aan ciriiri ahayn; waxa ku jira si wanaagsan ugu filan; ballaaran.
dallaal (1) 1. Qof shaqadiisu tahay in uu dadka wax u kala iibiyo. 2. Hantida qof dadka wax u kala iibiya qarash ahaan u qaato. ld dillaal¹, dullaal¹.
dallaal (2) Dad wax u kala iibin.
dallaalid eeg dallaal². ld dillaalid, dullaalid.
dallaalin ld dallaallimo.
dallaallimayn eeg dallaallimee.
dallaallimee Meel dallaallimo ka dhigid.
dallaallimo Meel kor ka dadan oo dhinacyaha ka furan oo wax lagu gato ama la harsado. ld dallaalin.
dallaalnimo Dallaal ahaansho.
dallaalnimo (1) Dallaal ahaansho.
dallaalnimo (2) Dallaal ahaansho. ld dillaalnimo, dullaalnimo.
dallaalo In yar oo caafimaad ah oo qof jirranaa helo.
dallaashad eeg dallaasho.
dallaasho Ku d.: meel barwaaqo ah ama biyo badan ku keliyaysasho.
dallaayad 1. ld dallad. Qalab ka samaysan saab bira ah iyo maro ku tolan oo qorraxda iyo roobka laga galo. 2. Baarashuud.
dallac (1) 1. Khudrad, hilib, dufan iwm oo la isku shiiqay. 2. ld dallicid.
dallac (2) 1. (f.g) Khudrad, hilib, dufan iwm isku shiilid. 2. (f.mg) Dallacaad helid (qof).
dallacaad Derejo qof la siiyo oo ka sarreysa tiisii hore.
dallacbilaash Suugo aan hilib lahayn.
dallacsii Qof, derajo u kordhin.
dallacsiin eeg dallacsii. ld dallacsiis.
dallacsiis ld dallacsiin.
dallad ld dallaayad (1).
dallal (1) Jeesjees.
<< < 309 310 311 312 313 314 315 316 317 318 319 > >>