g (ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.
gaab Qof ama wax dheererkiisu gaabanyahay.
gaaban Wax aan joog dheer lahayn ahaansho.
gaabbaguul1 U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay. gaabbaguul2 Meel dheer oo geeddi loo yahay u-habeendhixid. gaabbaguulid eeg gaabbaguul².
gaabbayn eeg gaabbee.
gaabbee Aayar socosho.
gaabi1 Qiyaas dheerer oo intii laga rabay ka gaaban. gaabi2 1. (f.g) Wax dheeraa wax ka dhimid. 2. (f.mg) Aayar u socosho. gaabin eeg gaabi². ld gaabis
gaabis 1. Gaabis ah: socod yaraan. 2. ld gaabin.
gaabnaan eeg gaaban. ld gaabnaansho, gaabni.
gaabnaansho ld gaabnaan.
gaabni ld gaabnaan.
gaabsad ld gaabsasho.
gaabsasho eeg gaabso. ld gaabsad.
gaabshow Gaabshow ah: nafley aayar u socota oo aan dheerayn.
gaabsi Galmo aan xalaal ahayn.
gaabso 1. (f.g) Wax dheer, wax gaaban ka dhigasho. 2. (f.mg) Codka gaabso: cod hoos u dhigid. 3. (f.mg) Ka gaabso: wax ka tanaasulid.
gaaci 1. Qof dagaal ku jira ul iwm u taagid. 2. Dareera xoog meel ugu shubid.
gaacin eeg gaaci. ld gaacis.
gaacis ld gaacin.
gaad1 1. Geedsaar leh miro macaan oo la cuno oo goroyaduna aad u jeceshahay, isla markaasna looga dhigto kabdhoodka (goonnibaarka) ciyaarta shacdurka. 2. Ul gaaban oo xooggan. gaad2 Nafley si lama filaan ah ugu kedin. gaadaami Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
gaadaamid eeg gaadaan².
gaadaamin eeg gaadaami. ld gaadaamis.
gaadaamis ld gaadaamin.
gaadaan1 Qarqarsi.
page : 1 of 102
1 2 3 4 5 6 > >>