Ereyga Maanta: dhabataysi
dhabaandhaw (2) 1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go'lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo.
dhabaandhebid eeg dhabaandhaw². ld dhabaandhaw¹.
dhabab (1) ld dhababid.
dhabab (2) Meel duleesha awdid.
dhababan Meel duleesha wax la dhababay ahaansho.
dhababid eeg dhabab². ld dhabab¹.
dhababnaan eeg dhababan. ld dhababnaansho.
dhababnaansho ld dhababnaan.
dhabad ld dhabasho.
dhaban (1) Wejiga labadiisa dhinac midkood.
dhaban (2) (xis.) Tiro laba u qaybsanta.
dhaban (3) Wax la dhabay ahaansho.
dhabankoolis Geed yar oo buruq kulucsan leh.
dhabannaanayn eeg dhabannaanee.
dhabannaanee Qof dharbaaxo dhabnaha kala dhicid.
dhabannaano Si xoog leh oo cid sacab fidsan dhabanka looga dhufto.
dhabannacaso Miro digireed oo aan weli bislaan.
dhabannahayn Fikir iyo walaac oo sacabka dhabanka lagu qabto. ld dhabannahays.
dhabannahays ld dhabannahayn.
dhabaq (1) 1. Sacab, durbaan iwm oo ciyaar, hees iwm loo tumay oo aan laysla helin. 2. Dhiin yar, baaldacarka fiiddiisa ku samaysma, sida malabka u macaan oo la cuno.
dhabaq (2) Sacab, durbaan iwm oo hees, ciyaar iwm loo tumayo isla heli waayid.
dhabaqsan Wax la dhabqiyey ahaansho.
dhabaqsanaan eeg dhabaqsan. ld dhabaqsanaansho.
dhabaqsanaansho ld dhabaqsanaan.
dhabaqsasho eeg dhabaqso.
dhabaqso Wax macaan cunid.
dhabaqtir (1) ld dhabaqtirid.
dhabaqtir (2) Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid.
dhabaqtiran Wax la dhabaqtiray ahaansho.
dhabaqtirid eeg dhabaqtir². ld dhabaqtir¹.
<< < 353 354 355 356 357 358 359 360 361 362 363 > >>