Ereyga Maanta: dhabataysi
kefed  ld kafad.
kelbed  Qalab ka samaysan laba birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado, waxaana lagu soo fujiyaa masaabiirta, siliggana lagu gooyo; biinso. ld kalbad.
kelbi  Libaax-badeedka waaweyn nooc ka mid ah.
keli1  1. Geed yar oo leh laamo wada buruq-buruq ah oo aroorro leh oo dhirta daawada ka mid ah. 2. Oo k. ah: mid ah, aan la wehelin. 3. ld kelli¹. keli2  (nax.) Lidka wadarta (tus.: gabar (keli) gabdho (wadar)); eeg tiro. keli3  Wax aan la wehelin. ld kali. keligillabe  Nin hawlkar ah oo shaqo kasta ku wanaagsan.
keligitaliye  (keligood taliyayaal, m.l/dh) (siyaa.) Hoggaamiye waddan ku qabsaday xoog, awoodda xukunkana ku haysta si kelinnimo ah, tashi la'aan. ld kaligitaliye.
keligitashade  ld kaligitashade.
keligitashe  (keligood tashayaal, m.l/dh) (siyaa.) Hoggaamiye, ama qof kale oo leh awood weyn, oo awooddiisuna ku isticmaala si xaq daro iyo cadowtinnimo. ld kaligitashade.
keligoodtashadayaal  ld kaligood-tashadayaal.
kelinnimo  Keli ahaansho.
kelitalis  (siyaa.) Waddan dawladdiisu uu haysto qof keliya lehna awood kama dambaysi ah.
kelitashad  ld kalitashad.
kelitashi  ld kalitashad. keliya s. Aan wax wehlin; uun.
keliyeysad  ld keliyeysasho.
keliyeysasho  eeg keliyeyso. ld keliyeysad.
keliyeyso  Ku k.: keli ku ahaansho (wax).
kelli1  Biyomareen yar oo beeraha lagu waraabiyo. ld keli¹ (3). kelli2  Mid ka mid ah labada cad oo digirta qaabkeeda leh oo uurka ku jirta (lafdhabarta labadeeda dhinac) oo waxa oogadu raacdo iyo dhiigga kala soocda, oo kaadi ahaan dibadda uga soo saarta. kelli3  (c.nafl.) Xubin muhim ah oo qashinsaarka u qaabilsan lafdhabarleyda, taas oo laga saaro walxo wasakh naytaroojiin ah (inta badan, kaadi ahaan). Naasleydu waxay leeyihiin lammaane kelya ah oo ku yaalla bucda. kelli-badeed  (juqr.) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.
kellibalow  K. ah: xoolo aan dhergin. ld gellibalow.
kelliggub  Summad geel oo ah bar dab ah oo kellida korkeeda lagu dhigo.
kellijuluqle  Neef xoolo ah oo soo xerooday isaga oon dheregsanayn.
kelmed  Eray, hadal.
kelmi  ld gelmi.
kelmidhabad  ld gelmidhabasho.
kelmidhabasho  ld gelmidhabasho.
kelmidhabo  ld gelmidhabo.
page : 37 of 73
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>