Ereyga Maanta: iimee
sariibad Meesha xoolaha la gadayo lagu xereeyo oo lagu siiyo caws iyo biyo; xero; deyr; siibad.
sariir 1. Saabaanka guriga mid ka mid ah oo lagu korseexdo inta joodari iyo barkimooyin la saaro. 2. Salka weelka. 3. Saliid.
sariirasho eeg sariiro.
sariiro Wax tafid.
sarin Geed faalala oo laamo dhaadheer iyo caleemo yaryar leh oo geelu daaqo.
sarkaal ld sargaal.
sarkadhaban 1. Welwel iyo hiyikac ku dhaca qof, arrin la soo deristay awgeed. 2. Dhibcaha biyaha roobka. 3. Roob tabaryar oo aan dhulka si fiican u qoyn.
sarkooma (daaw.) Kansarka sooha xiriirka cudurkan wuxuu ku dhici karaa meelwalba oo jirka ka mid ah, maadaama uu ka kaco sooh xubin wax ka sameeya ee uusan gaar u ahayn xubin khaas ah. Wuxu ka kici-karaa: sooh mayraxeed, muruq, baruur, laf, carjow, xuubka xubno isgoysyada (synovium), xididdada dhiigga iyo liinfada iyo soohyo kala duwan oo kale.
sarmaan (sarmaan, m.dh) Geedqodax salka u buuran leh oo xabag macaan iyo asal wanaagsan oo wax lagu carariyo leh, xididdadiisana dhigo laga samaysto.
sarmaseegtayn eeg sarmaseegtee. ld surmaseegtayn.
sarmaseegtee Sarmaseegto samayn. ld surmaseegtee.
sarmaseegto Nabar meeshii lala rabay lala waayo oo meel kale lagu dhufto. ld surmaseegto.
sarmo Nabar jeex yar leh oo aan haragga dhaafsanayn.
sarnaan eeg saran. ld sarnaansho.
sarnaansho ld sarnaan.
sarniin ld sarid.
saro (1) Sumoobidda wax sumoobaan. ld sadho.
saro (2) Wax dillaac yar u yeelasho.
sarqaalibasho eeg sarqaalibo.
sarqaalibo Wax, wax kale moodid ama u qaadasho.
sarqaan ld sakhraan¹.
sarraaf Qof lacagaha qalaad isku beddela oo sarrifa.
sarraafad Qarashka loo qaato in maalin ama ka badan la mas-ruufto; masruuf.
sarrax Xabad; gaaddo.
sarrayn eeg sarree.
sarraysii Ka s.: wax, wax kale ka kor marin.
sarraysiin eeg sarraysii.
sarree Ka s.: wax, wax kale kor saaran ama ka derejaweyn ahaansho.
sarreen Badar iniino yaryar oo bariis u eg leh adduunka oo dhanna laga cuno, marka la shiidana bur noqda.
sarreeye 1. Ilaah. 2. Daraja sare oo askareed; jeneraal. 3. Xisaab jajab ah oo la qaybinayo tan kor la dhigo.
<< < 32 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 > >>