fataaxsanaansho ld fitaaxsanaan.
fatah (1) ld fatihid.
fatah (2) 1. (f.g) Wax meel ku jira ka daadin. 2. (f.mg) Ku f.: cid si xisaab la'aan ah wax u siin. 3. (f.mg) Biyo meel ku faafid.
fatahaad Jabsashada ay biyo, bad, webi iwm ay jabsadaan xaydaankii ay ku jireen.
fatahan (1) Wax la fatahay noqosho.
fatahan (2) Wax la fatahay ahaansho.
fatahmid eeg fatahan¹.
fatahnaan eeg fatahan². ld fatahnaansho.
fatahnaansho ld fatahnaan.
fatash (1) Baaritaan meel ama wax lagu sameeyo. ld fatish¹, fetesh¹.
fatash (2) Meel ama wax baaritaan ku sameyn. ld fatish², fetesh².
fatashid ld fatishid, feteshid.
fatasho Wax, wax kale ka dhex baarasho. ld fatisho, fetesho.
fati 1. Dhiriq lo'aad. 2. Wax aad u badan oo aan cidina wax ka waayeyn.
fatihid eeg fatah². ld fatah¹.
fatiil Liifad. ld fatiilad.
fatiilad ld fatiil.
fatish (1) ld fatash¹.
fatish (2) ld fatash².
fatishid ld fatashid.
fatisho ld fatasho.
fatuurad Baabuur yar oo gudaha ku leh kuraas jilicsan oo lagu fariisto, dhinacyadana albaabo iyo muraayado. ld fatuuro.
fatuuro ld fatuurad.
fatuux Tamuux, bataax, bacad.
fatwo Jawaabta mufti ka baxsho arrin diin ku saabsan oo adag.
fawee Maro fawo u yeelid.
faweyn eeg fawee.
fawna ld foona.
fawo 1. Dun midab leh oo dharka qurxiso. 2. ld fuwo.
fax (1) F. ka dheh: dhidid, nabro iwm si lama filaan ah hal mar ay soo wada baxaan.
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 > >>