Ereyga Maanta: ismaandhaaf
mamman 1. Wax mammay ahaansho. 2. Wax, wax ku dhiirran ahaansho.
mammanaan eeg mamman. ld mammanaansho.
mammanaansho ld mammanaan.
mamnuuc (1) M. ah: wax aan fasax loo qabin sameeyntooda.
mamnuuc (2) Wax, wax reeban ka dhigid.
mamnuucan Wax la mamnuucay ahaansho.
mamnuucid eeg mamnuuc².
mamnuucnaan eeg mamnuucan. ld mamnuucnaansho.
mamnuucnaansho 1. eeg mamnuucnow. 2. ld mamnuucaan.
mamnuucnow Wax la mamnuucay noqosho.
man Ubax yar oo udgoon oo waqtiga jiilaalka geedaha qaarkood baxshaan.
manaafacaad (1) Waxtarka iyo faa'iidada wax leeyihiin.
manaafacaad (2) Ku m.: wax ka faa'iideysasho.
manaafacaadid eeg manaafacaad².
manaafacaadsasho eeg manaafacaadso.
manaafacaadso Wax waxtarkiisa ka faa'iidaysasho.
manaahiij eeg manhaj.
manaayo Godob, utun.
mandad Shey qaab jawaan leh oo ka samaysan xerko yar yar oo saahan, jawaankana ka qaadweyn, oo lagu shubto badarka, miraha iwm.
mandaleel Shulug dheer, adag dhogor ka samaysan oo roobka dhaxanta iwm laga qaato.
mandaq (fals.) Baaris iyo aragti falsafadeed, malaha iyo fekerka aasaas u ah.
mandarad 1. Muraayad. 2. Guri dabaq ah.
mandariin Liin xaali. ld mandariini.
mandariini ld mandariin.
mandharaari Mindhicirka geela kiisa yaryar; oo saaladu kabaxdo; xiidme.
mandhareer Hoore layig ah oo midabka biyaha u eg, jiijiidma oo kala goysyada nafleyda ku jira.
mandharuug 1. Geed miro cas-cas iyo guduudba leh dhala oo la cuno. 2. Miraha mandharuugga; murcood.
mandheer (c.nafl.) Xubin laga helo naasleyda iyo xayawannada kale ee ilmaha dhala, kaas oo uurjiifku ku dhejisan yahay gidaarka ilmagaleenka. ld maldheer.
mandheerrey (c.nafl.) Naasley mandheer leh.
mandhoorrey Hal aad u shilis oo kurus weyn leh.
<< < 34 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 > >>