dhaqaaleyso 1. Wax tashiilasho. 2. Wax daryeelasho.
dhaqaalo ld dhaqaale.
dhaqaaloobid eeg dhaqaalow.
dhaqaalow Wax si fiican loo dhaqaaleeyey noqosho.
dhaqaaq (1) Bilaabidda wax taagani ay socod bilaabaan. ld dhaqaaqid.
dhaqaaq (2) 1. Wax taagnaa socod bilaabid. 2. Subag, xayr iwm dhalaalid. 3. Ku d.: Hawl iwm wax ka qabashadeeda bilaabid.
dhaqaaqid eeg dhaqaaq². ld dhaqaaq¹.
dhaqaaqil Nafley meel fog ka dhaqdhaqaaqeysa oo aan la sugi karin waxa ay tahay.
dhaqaaqilyo Nafley yar oo dhaqaaqeeda dhib lagu arki karo; muuqaal aad u yar oo nuuxnuuxsanaya; dhaqaaqil.
dhaqaaqjoogle Socod yar oo hadba kol la istaago; kol dhaqaaq kolna joogsad.
dhaqaaqjooglee Dhaqaaqjoogle sameyn.
dhaqaaqjoogleyn eeg dhaqaaqjooglee.
dhaqaaqjoogsad ld dhaqaaqjoogsasho.
dhaqaaqjoogsasho eeg dhaqaaqjoogso. ld dhaqaaqjoogsad, dhaqaaqjoogsi.
dhaqaaqjoogsi ld dhaqaajoogsasho.
dhaqaaqjoogso Dhaqaaqjoogle samayn.
dhaqaaqsan 1. Wax dhaqaaq diyaar u ah ahaansho. 2. Wax meel ka durugsan ahaansho.
dhaqaaqsanaan eeg dhaqaaqsan. ld dhaqaaqsanaansho.
dhaqaaqsanaansho ld dhaqaaqsanaan.
dhaqabsasho eeg dhaqabso.
dhaqabso Carrabka wax ku cabbid.
dhaqad ld dhaqasho.
dhaqan (1) 1. Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ummadi leedahay, soona maray isbeddello taariikheed. 2. Asluub.
dhaqan (2) (bul.) Mid ka kooban fikrado, caadooyin, fan, farshaxan ay sameeysteen ama ay wadaagaan mujtamaca gaar ah.
dhaqan (3) 1. Nijaaso, wasakh iwm mayrmid. 2. Wax midab leh fasakhmid. 3. Haweeney gurigeeda si wanaagsan u maamulid. 4. Ku dh.: qalab, sharci iwm adeegsasho. 5. Ku dh.: guri iwm ku noolaan.
dhaqan (4) 1. Dhar iwm wax la meyray ahaansho. 2. Nafley wax ladan ahaansho. 3. Ku dh.: wax meel ku nool ahaansho.
dhaqandhaqaale Hab dhaqaale oo isku jaangoynaya bulsho hantideeda iyo nolosheeda.
dhaqandoorsoon Isbeddel ku dhaca dhaqan bulsho leedahay.
dhaqangal (1) 1. Dh. ah: hirgelinta la hirgeliyo sharci, barnaamij iwm. 2. ld dhaqangelid.
dhaqangal (2) Sharci, barnaamij iwm hirgelid.
<< < 377 378 379 380 381 382 383 384 385 386 387 > >>