tinmood 1. Cudur timaha ku dhaca. 2. (u) Marka timaha la shanleeyo tintinta soo go'da.
tinnaar Weel qaab aashuun leh oo dhoobo ka samaysan muufadana lagu dubo.
tintaafyo (daaw.) (kabillariyada) Xidid-dhiigyo aad iyo aad u yaryar, sida timaha oo magacoodu ka yimid. Tintaafyadu waxay ku sameeyaan shabaag soohyada (xubnaha) oo dhan waxa dhiigga u keena halbowlayasha yaryar, waxaana ka qaada xididdada yaryar. Tintafyadu jirmigoodu wuxu ka sameysanyahay hal unug, taasoo suuro gelineysa. Kala bedelka: oksijiinka (O2), karbondiyok-saydka (C)2), biyaha (H20), cusbooyinka, iwm oo ka dhex dhacaya jirka iyo soohyada.
tintaf (c.nafl.) Nooca ugu dhuudhuuban dhuumaha dhiigga ee habdhiska wareegga dhiigga ee lafdhabar-leyda.
tintafid Raad la xiriira gigsanaanta dusha ee dareere, waana tan keenta inuu dareere kor u raaco ama hoos uga soo dego dhuunyaro ligan.
tiqraar (1) Shay adag oo la kala dhexgeliyo laba wax si ayan isu qabsan. ld taqraar¹.
tiqraar (2) Shay adag laba wax kala dhex gelin si ayan isu qabsan. ld taqraar².
tiqraaran Wax la tiqraaray ahaansho. ld taqraarqan.
tiqraarid eeg tiqraar². ld taqraarid.
tiqraarnaan eeg tiqraaran. ld taqraarnaan, taqraarnaansho, tiqraar-naansho.
tiqraarnaansho ld tiqraarnaan.
tir 1. Wax muuqooda baabi'in. 2. Ka t.: wax wasakh ka sifayn.
tiraab (1) 1. Erey, hadal ama dhawaaq afka ka soo baxay. 2. ld tiraabid.
tiraab (2) (nax.) Hadal aan qornayn (eeg af tiraab).
tiraab (3) Hadlid.
tiraabid eeg tiraab³. ld tiraab¹ (2).
tiraale 1. (nax.) Tirooyinka cayima inta ay la egtahay tirada shayga laga hadlayo. Tus. “3 buug; 6 nin, iwm”. 2. (nax.) T. jago: tiro tilmaanta sida ay u kala sarreeyaan ama darajada ka dhexeeysa noolayaal ama ashyaa. Tus. “koobaad, labaad iwm”.
tirabbadan Wax mahiigaan ah ahaansho.
tirabbadnaan eeg tirabbadan. ld tirabbadnaansho.
tirabbadnaansho ld tirabbadnaan.
tirabbeel Wax tiradoodu xadkii dhaaftay.
tirabbuur Wax ama dad meel wada jooga dhanka tiradoodu u badantahay.
tirada dadka 1. Ikoolajii ahaan, koox isku sinji ah oo meel ku wada nool. 2. Tirada wadarta sinjiyo ama bah kale oo noole ah oo ku nool meel la yaqaan.
tiradhaaf T. ah: wax xadkii tiradooda dhaafay.
tirakoob (1) Habka loo helo ama lo tirsho tira guud.
tirakoob (2) Wax inta tiradoodu tahay helid.
tirakoobid eeg tirakoob².
tiran Wax tirmo leh ahaansho.
tirasho eeg tiro².
tiratoomi Wax tiradooda qaldid.
<< < 35 36 37 38 39 40 41 42 43 44 45 > >>