Ereyga Maanta: karkoor
dheyel (2) ld dhayal².
dheyelid ld dhayalid.
dheyelsasho ld dhayalsasho.
dheyelso ld dhayalso.
dheyrdheer Shabaq siriqyo badan leh oo sagaarada lagu dabo.
dhib (1) 1. Arrin ama hawl adag; hawl aan qabashadeedu fududayn; wax lagu daalo; shiddo. 2. (fk) Si rafaad ah; si qaxar ah. ld dhibaato.
dhib (2) 1. Daawo xoolaha shilinta iyo candhada looga daweeyo. 2. (-bab, m.l) Hog dhisan, dawo laga buuxiya oo xoolaha looga kunbiyo candhada, shilinta iwm.
dhib (3) Nafley raaxo la'aan badid.
dhibaad 1. Hanti ay siiso cidi gabadhooda oo wax u soo doonatay. 2. Caado, xayl. ld dhiibaaji.
dhibaadi Haweeney dhibaad siin. ld dhibaadsii.
dhibaadin eeg dhibaadi. ld dhibaadsiin.
dhibaadsii ld dhibaadi.
dhibaadsiin ld dhibaadin.
dhibaaji ld dhibaad.
dhibaatayn eeg dhibaatee.
dhibaataysan Wax dhibaato hayso ahaansho.
dhibaataysnaan eeg dhibaataysan. ld dhibaataysnaansho.
dhibaataysnaansho ld dhibataysnaan.
dhibaatee Cid dhibaato gaarsiin.
dhibaato ld dhib¹.
dhibbaan Nabar.
dhibban Wax dhib hayo ahaansho.
dhibbanaan eeg dhibban. ld dhibbanaansho.
dhibbanaansho ld dhibbanaan.
dhibbane Qof dhibaato la gaarsiiye.
dhibci Hoore meel ku jira in yar ka shubid.
dhibcid eeg dhibic².
dhibcin eeg dhibci.
dhibco Hilib cadad yar yar laga dhigay oo muqmaddana ka waaweyn; suqaar.
dhibdhibac ld dhibdhibic.
<< < 404 405 406 407 408 409 410 411 412 413 414 > >>