Ereyga Maanta: goldooxid
itataabin ld itataabeyn.
itataabo Waxtar; tural; dhimris; jimic; gargaar; tabantaabo; ititibo.
iter (kiim.) Nooc iskudhis organig ah oo leh kooxda -O-. Iteryada fududi waxay leeyihiin naaneysta R-O-R', halkas oo R iyo R'ay yihiin kooxo alkayl ama arayl ah oo aan ahayn iskumid.
itifaaq Heshiis la isku wada af-garto.
ititib Xanaanaynta aad wax loo xunnaa-neeyo.
ititibi Wax aad u xan-naanayn.
ititibin eeg ititibi. ld ititibis.
ititibis ld ititibin.
ititibsan Wax la ititibiyay ahaansho.
ititibsanaan eeg ititibsan. ld iti-tibsanaansho.
ititibsanaansho ld ititibsanaan.
itixaad Isutagga siyaasadeed, dhaqaale, iwm ee dhex mara laba dawlad iwm; midow.
itixaaman ld imti-xaaman.
itixaamid ld imtixaamid.
itixaan (1) ld imtixaan¹.
itixaan (2) ld imtixaan².
itixaanid ld imtixaamid.
itixaannaan ld imtixaannaan.
itixaannaansho ld imtixaannaan.
ixsaan Wanaag cid loo galo. ld isxaan.
ixtiraam (1) Dareen xurmo iyo qaddarin leh oo cid loo muujiyo.
ixtiraam (2) Dareen xurmo iyo qaddarin leh cid u muujin.
ixtiraamid eeg ixtiraam².
iya (1) ld iyada.
iya (2) ld iyaga.
iyada Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee kelida oo dheddig ah (tan laga hadlayo ama wax laga qorayo). ld iya¹.
iyaga Magacuyaal tilmaama qofka saddexaad ee wadarta ah (kuwa laga hadlayo ama wax laga qorayo). ld iya².
iyama Waa kuwee?.
iyana 1. Magacuyaalka qofka saddexaad ee kelida ah oo ka kooban 'iya 1'iyo 'na 2'. 2. Magacuyaalka qofka saddexaad ee wadarta ah oo ka kooban 'iya 2'iyo 'na 2'.
iyo Eray lagu xiriiriyo magacyo ama tixo. Tus. “Hilib iyo bariis”, “Inuu yimid iyo in kale soo hubso”.
<< < 37 38 39 40 41 42 43 > >>