Ereyga Maanta: dhabataysi
kharfo  Dhul aan la degganeyn oo oommane ah.
khariidad  ld khariiddo.
khariidad-borojakhsaneyd  (juqr.) Muujisanaanta ay ku muujisantahay dhulka dushiisa oo dhan ama qayb ka mid ah dul fidsan korkeed, si loogu muujiyo muuqaallada dabeecadda, siyaasadeed, ama muuqaallo kale; bar kasta oo ku taal khariidadda dusheeda waxay u taagantahay ama xiriir la leedahay meel juqraafiyeed oo ka mid ah dhulka runta ah iyadoo la adeegsanayo qiyaas go'an ama borojek-shan.
khariidad-kala-sarreynta  (juqr.) Khariidad muujinaysa kala sarraynta meel.
khariiddo  Naqshad warqad iwm lagu sameeyo oo muujineysa dhulka oo dhan ama qeyb ka mid ah. ld khariidad.
khariif1  1. Xilliga doonyaha shiraaca leh ay xayirmaan dabeysha oo isbeddesha awgeed. 2. Nooc timirta ka mid ah oo aan aad u bislaan, dheg dheg badanna leh. khariif2  Doon meel ku xayirmid dabaysha oo isbeddeshay aw-geed. khariifid  eeg khariif².
kharqaan  ld harqaan.
kharqaanle  ld harqaanle.
kharqad  1. Cad ama jeex yar oo maro ah. 2. Hal maro ah oo la geliyo barkimaha. ld harqad.
kharraab1  ld kharaab¹. kharraab2  ld kharaab². kharraabi  ld kharaabi.
kharraabin  ld kharaabin.
kharraabsan  ld kharaabsan.
kharraabsanaan  ld kharaabsanaan.
kharraabsanaansho  ld kharaabsanaan.
kharrib1  Dhis ama alaabo ama wax kale oo wanaagsan oo la xumeeyo, la burbur-sho, kharaab laga dhigo. ld kharribaad. kharrib2  Wax wanaag-sanaa xumeyn. kharribaad  Halleynta wax wanaagsanaa la halleeyo. ld kharrib¹.
kharriban1  Wax la kharribay noqosho. kharriban2  Wax la kharribay ahaansho. kharribid  eeg kharrib².
kharribmid  eeg kharriban¹.
kharribnaan  eeg kharriban². ld kharribnaansho.
kharribnaansho  ld kharribnaan.
khasaanad  1. Bir aad u adag oo sida sanduuqa u sameysan oo lacagta, dahabka iwm lagu keydiyo. 2. Quful si adag u xirma oo dhawr wareeg leh.
khasaar  Khasaaro la kulmid.
khasaari  Cid khasaaro gelin.
page : 44 of 73
<< < 39 40 41 42 43 44 45 46 47 48 49 > >>