Ereyga Maanta: ismaandhaaf
dibjirid eeg dibjir².
dibjirnimo Dibjir ahaansho.
dibjiryo Qatooyada habeen dhan la qado.
dibkabe (nax.) Lifaaq kagu dhejiyo sal magac ama fal dhammaadkiisa, yacnii dhiniciisa midig. Tus. “Dukaanle baa illinka furay”.
dibkannaax ld dabakannaax.
dibkannaaxid ld dabakannaaxid.
dibla'aan 1. Dib la'aanshada. 2. (fk) Si fudud u ah.
diblad ld dublo.
diblo ld dublo.
diblomaasi Hawlwadeen siyaasi ah oo ugu qaybsan dalkiisa xiriir dalal shisheeye.
diblomaasiyad (siyaa.) Xirribta iyo siyaasad wanaagga lagu maamulo xiriirka ka dhexeeya dawladaha.
dibqallooc Bahal yar oo caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulaylaha ah. Wuxuu leeyahay lix lugood iyo labaciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabodheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhamaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayada ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badantahay, kolkolna waa loo dhintaa. ld dabaqallooc.
dibri Cid dibir ku dhufasho.
dibrin eeg dibri.
dibtaag ld dabataag.
dibudday 1. Mira yicib oo curdan ah. 2. Geed yar oo qodax leh.
dibudhac ld dibdhicid.
dibudhicid ld dibdhicid.
dibudhicis ld dibudhicid.
dibudhig Hakinta lagu sameeyo wax waqti go'an oo la qabto lahaa. ld dibudhigid.
dibudhigid ld dibudhig.
dibudhisid Wax (guri iwm) la dhisay oo la burburiyay dhisidda.
dibuggurad ld dibuggurasho.
dibuggurasho 1. Cabsi darteed gadaal u bixid. 2. Xeelad dagaal oo ciidanku adeegsado. ld dibuggurad, dibugguro, dibugguryo.
dibuggurayn ld dibugguryeyn.
dibugguree ld dibugguryee.
dibugguro ld dibuggurasho.
dibugguryee Dibuggurasho sameyn. ld dibugguree.
dibugguryeyn eeg dibugguryee. ld dibuggurayn.
dibugguryo ld dibuggurasho.
<< < 441 442 443 444 445 446 447 448 449 450 451 > >>