Ku dar erey cusub Qaamuuska!

Ereyga Maanta: bedertami
digsi Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cunnada lagu karsado; sufriyo. ld disti.
digtoon 1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari).
digtoonaan eeg digtoon. ld dig- toonaansho.
digtoonaansho eeg digtoonow. ld digtoonaan.
digtoonow 1. Qof diyaar u ah wax uu filayo noqosho. 2. (millatari) Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si siman isu garab yaalliin noqosho.
dihasho eeg diho. ld dahasho, dohasho.
dihin 1. Wax aan weli la lisin ahaansho (xoolo). 2. Wax aan weli sidii la rabay looga faa'iidaysan ahaansho (dhul). ld dahan.
dihnaan eeg dihin. ld dahnaan, dahnaansho, dihnaansho.
dihnaansho ld dihnaan.
diho Ilmo dhashay kalgacal u muujin. ld daho, doho.
diib Ur udgoon.
diibaaji Lacag yar oo horumarin ahaan qof wax uu iibsaday ka dhiibo. ld deebaaji, dibaaji.
diibsad ld diibsasho.
diibsasho eeg diibso. ld diibsad, diibsi.
diibsi ld diibsasho.
diibso Diib marsasho (qof).
diid Codsi, amar, siismo, iwm ku gacan sayrid.
diid (1) Wareer lala dhaco tamardarro awgeed.
diid (2) Tamardarro awgeed la dhicid (qof).
diiddan Codsi, amar, siismo iwm wax ku gacan sayray ahaansho.
diiddanaan eeg diiddan. ld diiddanaansho.
diiddanaansho ld diiddanaan.
diiddo Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iwm.
diiddooy Neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (geel).
diiddow D. ah: neef irmaan oo aan oggolayn in la liso (lo').
diidid eeg diid. ld diidis, diidmo.
diidid (1) eeg diid².
diidid (2) (daaw.) Suuxid muddo gaaban oo ay keentay dhiigga maskaxda taga oo yaraaday.
diidis ld diidid.
diidmo ld diidid.
<< < 445 446 447 448 449 450 451 452 453 454 455 > >>