Ereyga Maanta: goldooxid
direys Labbis gaar ah oo ay qaataan ciidammada qalabka sida.
dirfac ld dafac.
dirgasho eeg dirgo.
dirgo Socod jiitaan socosho (nafley).
diric (1) 1. Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh. 2. Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan.
diric (2) 1. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto. 2. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro.
diricnimo Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh ahaansho.
dirid eeg dir². ld diris.
diriq Liilammo ama daliigo ad'adag oo xaskusha tuman iyo cawda feeran iwm laga reebo ama laga soo dhex saaro.
diriqsad ld diriqsasho.
diriqsasho eeg diriqso. ld diriqsad, diriqsi.
diriqsi ld diriqsasho.
diriqso Wax xoog ku meel marsasho. Tus. “Cali hawshaas markii hore looma dirin ee isagaa diriqsaday”.
dirir 1. Xiddig ifweyn oo naafaha ugu dambeeya oo u dhexeeya dirirday iyo garbo. 2. ld dirirsagaaro. D. cawleed: gu'ga bartamihiisa.
dirir (1) Dagaal; colaad.
dirir (2) Cid la dagaallamid.
dirircawleed Dirirsagaaro. ld dirir (2).
dirirday Urur xiddiga ah oo naafuhu ku jiraan oo u dhexeeya koxdinta iyo dirirka.
diriri Habeenka uu didirka la fariisto (dayax).
diririd eeg dirir².
diririn eeg diriri.
dirirsagaaro Bartamaha guga. ld dirir (2).
dirirsan La d.: qof, qof kale la dagaalay ahaansho.
dirirsanaan eeg dirirsan. ld dirirsanaansho.
dirirsanaansho ld dirirsanaan.
dirirsii Cid dagaal gelin ama ku boorrin.
dirirsiin eeg dirirsii.
diris ld dirid.
dirnaan eeg diran. ld dirnaansho.
dirnaansho ld dirnaan.
<< < 456 457 458 459 460 461 462 463 464 465 466 > >>