dullaamid ld dillaamid.
dullaamo ld dillaamo.
dullaan (1) ld dillaamid.
dullaan (2) ld dillaan².
dullee Qof dulli badid.
dulleyn eeg dullee.
dulleysasho eeg dulleyso. ld dulleysi.
dulleysi ld dulleysasho.
dulleyso Qof si xun oo bani'aadannimada ka baxsan oo uu raalli ka yahay ula dhaqmid.
dulli 1. Xaalad dacdarro, dacas, silic iyo sharaf dhacoo cid'ku sugnaato. 2. D. ah: qof liita oo aan wax xun ka xishoon.
dullinimo Dulli ahaansho.
dulloobid eeg dullow¹.
dullow (1) ld dulloobid.
dullow (2) Dulli noqosho.
dulmadow Dawacada jaad ka mid ah oo dhabarka madow.
dulman Wax dulmi lagu sameeyey ahaansho. ld dulmisan.
dulmanaan eeg dulman. ld dulmanaansho, dulmisanaan, dulmi- sanaansho.
dulmanaansho ld dulmanaan.
dulmar (1) Hadal si kooban loo sheego.
dulmar (2) 1. (f.g) Wax dardarid. 2. (f.mg) Hadal si kooban u sheegid.
dulmarid eeg dulmar².
dulmeeran (xis.) Shaxan joometiriyeed oo ku dul meeran ama wareegsan kuna oodan shaxan joometiriyeed ee kale. Tusaale ahaan: goobo ayaa lagu dul sawiri karaa geesaha labajibbaarane, markaa goobadu waa shaxan dulmeeran ah labajibbaaranuhuna waa dhexmeeran (eeg dhexmeeran).
dulmi (1) Fal sameyntiisu cid xadgudub ku tahay. ld dulan¹, dulin (2), dulun¹.
dulmi (2) Cid dulun ku sameyn. ld dulan², dulin², dulun².
dulmici Duudseef.
dulmid ld dulmiyid.
dulmidiid D. ah: qof aan dadka dulmin gardarradana oggolayn. ld dulmifiir.
dulmifiir ld dulmidiid.
dulmiley Qof dumar ah oo dulmi samaysa.
dulmilow Nin dulmi sameeya.
<< < 475 476 477 478 479 480 481 482 483 484 485 > >>