Ereyga Maanta: qawadid
duruqsasho ld durugsasho.
duruqsi ld durugsasho.
duruqso ld durugso.
duruuf 1. ld duruufo. Xaalad lagu suganyahay. 2. eeg duruf.
duruufo ld duruuf (1).
duruus eeg dersi.
duryamid ld guryamid.
duryan (1) ld guryan¹.
duryan (2) ld guryan².
duryid eeg duri².
dus 1. Ka d.: wax ciriiri ah dhex marid. 2. Ka d.: wax ka hoos bixid.
dusaa Cuddaar.
dusi Ka d.: wax, wax kale dhex tararsiin.
dusid eeg dus.
dusin eeg dusi.
dusmee Ka d.: kayn iwm dhuundhuumasho ku dhex marid.
dusmeyn eeg dusmee.
duub (1) 1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iwm ah.
duub (2) Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid.
duub (3) 1. (f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.
duuban (1) 1. Wax duubmay noqosho. 2. Isku d.: wax midaysan noqosho.
duuban (2) 1. Derin iwm wax la duubay ahaansho. 2. Nabar wax gaarso lagu maray ahaansho. 3. Cajalad wax hadal lagu duubay ahaansho. 4. Isku d.: wax midaysan ahaansho.
duubashi Derin weyn oo duuban oo cusub.
duubasho eeg duubo.
duubcad Askaartii soomaaliyeed oo Talyaanigu u qortay inay 1935 kala qaybgalaan dagaalkii Amxaarada.
duubduub (1) ld duudduubid.
duubduub (2) ld duudduub².
duubduuban (1) ld duudduuban¹.
duubduuban (2) ld duudduuban.
duubduubid ld dudduubid.
<< < 484 485 486 487 488 489 490 491 492 493 494 > >>

