kibir (1) Qab iyo islaweyni.
kibir (2) Qab iyo islaweyni muujin.
kibirsan Qof kibray ahaansho.
kibirsanaan eeg kibirsan. ld kibir-sanaansho.
kibirsanaansho ld kibirsanaan.
kibis Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.
kibraan Qof kibir badan.
kibri Cid kibir ku abuurid.
kibrid eeg kibir².
kibriid ld kabriid.
kibrin eeg kibri. ld kibris.
kibris ld kibrin.
kici 1. (f.g) Wax fadhiya istaajin. 2. (f.g) Qof hurda toosin. 3. (f.g) Qoraal hikaadin. 4. (f.g) Matoor iwm howlgelin. 5. (f.mg) Ku k.: col meel ku weerarid.
kicid eeg kac.
kicin (1) Isbeddel daruuraha iyo hawada gala kolka xilliga roobku bilaabanayo; kacsan.
kicin (2) eeg kici.
kicitimid eeg kicitin².
kicitin (1) Socdaal; safar.
kicitin (2) Meel u socdaalid.
kidaar Nooc kibis ka mid ah.
kidfamid eeg kidfan¹.
kidfan (1) Wax kidif laga dhigay noqosho.
kidfan (2) Wax kidfan ahaansho.
kidfanaan eeg kidfan². ld kidfa-naansho.
kidfanaansho ld kidfanaan.
kidfid eeg kidif.
kidib Been.
kidif (1) Wax la jarjaray oo aad loo yaryareeyey cad ka mid ah; jab ama go'yar; qurub.
kidif (2) Wax is-haysta jarjar yaryar oo badan ka dhigid; qurbid.
kifaax (1) 1. Hawl qabashadeeda ama wax hanashadooda loo dagaallamo; halgan. 2. Raaxo.
<< < 45 46 47 48 49 50 51 52 53 54 55 > >>