Ereyga Maanta: simuum
eex Garsoor aan caddaalad lagu fulin oo cid xaqeeda lagu seejiyo. ld eexo¹.
eexasho eeg eexo².
eexayn eeg eexee.
eexaysasho eeg eexayso. ld eexaysi.
eexaysi ld eexaysasho.
eexayso Eex iyo dan moodid.
eexee Eex iyo dan moodid.
eexi Samafal gaar ah (qof u) falid; u turid.
eexin eeg eexi. ld eexis.
eexis ld eexin.
eexlow Qof eex badan.
eexo (1) ld eex.
eexo (2) Eex ku kicid (cid).
eey (1) (c.nafl.) Naasley dab joog ah, yeyda ay isku bah yihiin, hilib cun ah, oo loo adeegsado ugaarsiga iyo ilaalinta guryaha, xoolaha, beeraha iwm. ld ey¹.
eey (2) Eey dheddig ah. ld eeyad, ey².
eey (3) Erey dareen: ehi!, oh! ld eeyaa.
eeyaa ld eey³.
eeyad ld eey².
eg (ekaa, ekayd) 1. Arrin in la yeelo ku wanaagsan ahaansho. Tus. “Waxaa eg in salaadda waqtigeeda la tukado”. 2. Ku e.: wax aan meel dhaafin ahansho. 3. U e.: wax, wax kaale ay qaabka isaga mid yihiin ahaansho. 4. La e. ama le'eg: wax, wax kale la jin ah ahaansho.
eger ld igar.
egsosfeer (c.fal.) Gibilka ugu fog atmoosfeerka dhulka.
ehel Qaraabo, sokeeye, xigto. ld ahal, ahalo, ehelo.
ehelakhayr ld ehelukhayr.
ehelnimo Ehel ahaansho.
ehelo ld ehel.
ehelukhayr Qof caadeystay samaynta xumaha oo aan ku dhaqmin caqiidada islaamkaa. ld ehelakhayr, ehlu- khayr.
ehelunnaar ld ahlunaar.
ehlakhayr ld ehelukhayr.
ehlukhayr ld ehelukhayr.
ekaad ld ekaansho (1).
<< < 494 495 496 497 498 499 500 501 502 503 504 > >>