Ereyga Maanta: dhabataysi
kistoo  Kis yar; xoogaa.
kiswad  Dhar qaali ah, lagu xarragoodo oo dumarku qaataan.
kitaab  (kutub, m.dh/kutubo/-bbo, m.l) 1. (dii) Buug ay ku yaalliin waxyaabo badanaa diini ah oo farta carabiga ku qoran. 2. (u) Ballanbaalis.
kitaabday  U k.: qof buka si loo daaweeyo kitaab u eegid; kutubbo-rogid.
kitaabdeyid  eeg kitaabday.
kitaabfur1  Hantida ugu horreysa oo la siiyo wadaad qof jirran daaweynaya. kitaabfur2  Wadaad (kitaabgaablow) cid jirran kitaab u fiirid. kitaabfurid  eeg kitaabfur².
kitaabgaab  Nin diinta si xun ugu shaqeysta; fiqidduur. ld kitaabgaablow.
kitaabgaablow  ld kitaabgaab.
kix  Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac iyo neefraac xiriira oo qaylo dheer; xiiqdheer. ld jix, qix.
kob  1. Meel kooban oo la tilmaami karo. 2. Daliigo caw laga falkiyey oo dhaadheer ballacooduse yaryaryahay oo kolkii laysku toltolo dermada noqda middood. 3. Meel geedo dhaadheer leh oo hareeraha ka bannaan. 4. ld kab².
kobatol  ld kobatole.
kobatole  1. Qalabka kabaha lagu tolo oo mudac weyn u eg. 2. Ninka kabaha tola. ld kabatol.
kobci  1. Dhasha dadka iyo xoolaha cayilin. 2. Dhaqaale iwm kordhin.
kobcid  eeg koboc².
kobcin  eeg kobci. ld kobcis.
kobcis  ld kobcin.
koboc1  K. ah: nafley yar oo cayilan. koboc2  1. Nafley yar cayilid. 2. Dhaqaale iwm korid. kobocsan  Ahaansho wax la kobciyey.
kobocsanaan  eeg kobocsan. ld kobocsanaansho.
kobocsanaansho  ld kobocsanaan.
kobocsasho  eeg kobocso.
kobocso  Ilmo xoolaad oo la doonaayo in la qasho cayilsasho.
kobojaa  ld kabajaa.
kobolli  ld kibilli.
kobon  3Geed dheer oo laan-laan u baxa oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan, lana cuno, oo cadcaddaada markay bislaadaan.
kodho  Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.
kodhon  (baay.) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
page : 54 of 73
<< < 49 50 51 52 53 54 55 56 57 58 59 > >>