Ereyga Maanta: maraqsan
aarnimo Aar ahaansho.
aarsashaddoon ld aardoon.
aarsasho eeg aarso. ld aarsi.
aarsi ld aarsasho.
aarso Ka aa.: cid, cid kale oo waxyeello u geysatay ka gudasho.
aas (1) 1. Xabaalidda meydka; ld aasid. 2. Marka aasku madoobaado: waqtiga qorraxdu dhacdo ee iftiinkeeda la waayo; himhiimow, cilcillow.
aas (2) Wax dhulka ku xabaalid (dad dhintay); duugid.
aasaas (1) ld asaas¹. asaasid.
aasaas (2) ld asaas².
aasaasan (1) ld asaasan¹.
aasaasan (2) ld asaasan².
aasaasi ld asaasi.
aasaasid ld asaasid.
aasaasmid ld asaasmid.
aasaasnaan ld asaasnaan.
aasaasnaansho ld asaasnaan.
aasan (1) Wax cidi aastay noqosho.
aasan (2) Wax la aasay ahaansho.
aashuun Weel tebedda u eg, dhoobo ka samaysan oo biyaha lagu shubto. ld ashuun.
aasid eeg aas². ld aas¹.
Aasiya Aasiya (Eeshiya Af-Ingiriis: Asia; Af-Carabi: آسيا; Listeni/ə[unsupported input]ˈeɪʃə/) waa qaarada ugu weyn Dhulka iyo tan ugu dadka badan leh, taasi oo dhacda meel u dhaxaysa dhamaan qaaradaha kale ee dhulka. Qaarada Aasiya waxay ku fadhidaa dhul baaxadiisu le'eg tahay 44,579,000 square kilometres (17,212,000 sq mi), taasi oo u dhiganta ilaa 30% dhulka Dunidan iyo 8.7% oogada sare ee meerahan. Intaas waxaa dheer, qaaradan waxaa ku dhaqan shacabka ugu badan ee aduunka.
aasmid eeg aasan¹.
aasnaan eeg aasan². ld aasnaansho.
aasnaansho eeg aasnow. ld aasnaan.
aasnow Wax aasmay noqosho.
aaway Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay “xaggee laga helaa?” “mee?”. ld aawaye, away, awday.
aawaye ld aaway.
aawi Wax ururin.
aawil (1) ld awaal¹, awaalid.
aawil (2) Wax dhicitaankooda ama imaatinkooda filid. ld awaal².
<< < 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 > >>