Ereyga Maanta: jalwi
shararraax (1) Sh. ah: wax midab isku dhafan leh.
shararraax (2) Ku s.: soo bixid (garka).
shararraxid eeg shararrax².
sharatamid eeg sharatan². ld shartan¹(2), shiratan¹, shiratamid.
sharatan (1) 1. Sharad la isu dhigto. 2. ld sharatamid. ld shiratan¹.
sharatan (2) Sharad isu dhigasho. ld shiratan².
sharax (1) 1. Macnaynta wax la macneeyo. 2. Qurxinta wax la qurxiyo. 3. Cayaar daf, durbaan, sacab iyo jiib leh oo ragga iyo dumarku wada cayaaraan.
sharax (2) Wax fasirid.
sharaxid ld sharxid.
sharaysad ld sharaysasho.
sharaysasho eeg sharayso. ld sharay-sad, sharaysi.
sharaysi ld sharaysasho.
sharayso Wax inuu baas leeyahay u qaadasho.
sharbad Wax la cabbo oo laysku qarasfalo.
sharbeed Hoore layiig ah, macaan, midabbo kala duwan oo inta biyo lagu qaso la cabbo.
sharci (1) 1. Axkaam-ta diinta islaamka; shareeco. 2. Xeerar dawladdu samayso oo dadka lagu xakumo.
sharci (2) 1. Cid haddi-daaddeed ka jawaabid. 2. Qof go'aan ugu yeerid.
sharcidarro Wax sharciga khilaafsan oo lagu kaco.
sharcidejin Samaynta sharci la sa-meeyo.
sharcin eeg sharci².
sharciyayn eeg sharciyee. ld sharciyays.
sharciyays ld sharciyayn.
sharciyee Wax ku dhaqmiddiisa sharci ka dhigid.
sharciyeed 1. (qaan.) Waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xiriira sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalada sharciga. 2. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeysan uu sharcigu oggolaa-day ama ansixiyey.
shardan Wax la sharday ahaansho.
shardanaan eeg shardan. ld sharda-naansho.
shardanaansho ld shardanaan.
shardi (1) ld sharad¹.
shardi (2) (shuruud, m.l) (xis.) Hawraar ama weedh M oo lo baahanyahay in ay run noqoto si hawrar kale N ay u noqoto run. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah, markaa N ma noqon karto run M la'aanteed. Haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa; markasta oo ay M noqoto run Nna waa run. Dhanka kale run ma noqon karto. Tusaale ahaan, haddii afar geesle uu noqon karo laydi waa in uu raaliggeliyaa xaaladaha lagama marmaan-ka ah in laba ka mid ah dhinacyada afar geesluhu ay yihiin barbaro, haseyeeshe, kani ma aha xaalad kaafiya ah, xaaladaha kaafiga ah ee afar geesle in uu yahay qardhaas waa in ay dhammaan dhinacyada afar geesluhu yihiin 5 cm., haseyeeshe kani ama xalaad lagama maarmaan ah. in laydi uu yahay labajibbaarane waa in uu raaliggeliyaa xaalad dhererka dhinacya-diisa in ay isle'egyihiin. Sida kale haddi M ay tahay xaalad lagama maarmaan ee N -> M, haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa M -> N. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah iyo xaalad kaafi ah ee N markaa M N.
shardid eeg sharad².
<< < 56 57 58 59 60 61 62 63 64 65 66 > >>